Ku darso mar walba Real Madrid waxey heysataa kulan baaqi ah kaas oo ay la yeelan doonto kooxda Celta Vigo oo ay marti u noqon doonto.
WARBIXINTA KULANKA:
Kulanka: Barcelona vs Sevilla
Tartanka: La Liga
Garoonka: Camp Nou
Saacadda: 8:30 Fiidnimo (XA)
Garsoore: Carlos Clos (Spain)
MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD?
Lionel Messi ayaa kasoo laabanaya ganaax, wuxuuna ka dambeyn doonaa weerarka, halka Samuel Umititi iyo Gerard Pique ay qabsan karaan daafaca dhexe ee kooxda madama Enrique la filayo inuu isticmaalo 3-4-3.
Dhanka kale Sergio Escudero ayaa ganaax kasoo laabtay, waxaana la filayaa inuu kusoo bilaaban doono daafaca bidix, Jovetic ayaa dhaawac ku maqan iyadoo Wissam Ben Yedder uu yahay dooqa koowaad.
XAQIIQOOYINKA KULANKA:
Sagaalkii kulan ee ugu dambeeyay kulamada La Liga oo ay is wajaheen Barca iyo Sevilla waxaa la iska dhaliayy 37-gool. (4.1 kulankiiba).
Sevilla waxaa laga dhaliyay 200 gool, 72-kulan oo ay ku ciyaartay kulamada La Liga garoonka Camp Nou, 2.77 isku cel-celis kulankii, kaliya Betis oo (2.9) ku heysata garoonkaas ayaa ka xun kooxaha booqday ugu yaraan 50-jeer garoonkas.
Barcelona ayaa guul gaartay 7-dii kulan ee ugu dambeysay oo ay kulamada La Liga ku ciyaartay gurigeeda si xiriir ah, balse ma dhicin iney 8-kulan guul ku gaaraan Camp Nou tan iyo magacaabista Enrique.
Sevilla afar kulan oo xiriir ah kulamada La Liga wax guul ah ma helin 3-barbaro iyo 1-guularo, waana waqtigii ugu xumaa waayaha Sampaoli ee kooxdaan.
KULANKII UGU DAMBEEYAY:
Sevilla FC 1-2 FC Barcelona – 6th November 2016 – La Liga
Inkastoo uu hogaanka u dhiibay Sevilla xidigooda Vitolo hadana Lionel Messi iyo Luis Suarez ayaa guul gaarsiiyay Balaugrana kulankii dhacay sanadkii hore.
LINE UPKA MACQUULKA AH:
Barcelona (3-4-3): ter Stegen; Mascherano, Umtiti, Pique; Roberto, Rakitic, Busquets, Iniesta; Messi, Suarez, Neymar
Sevilla (4-1-4-1): Rico; Mariano, Pareja, Lenglet, Escudero; N’Zonzi; Sarabia, Nasri, Vazquez, Vitolo; Ben Yedder