Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa Maanta xafiiskiisa ku qaabiley wefti uu hoggaaminayey ergeyga gaarka ah ee xoghayaha qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo Somaliland Mr. Michael Keating, kaasi oo Maalmihii u dambeeyay safar ku joogay Hargeysa.

Madaxweynaha waxa kulanka ku wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirka Arrimaha Dibeda Dr Sacad Cali Shire, wasiirka Madaxtooyada, Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi, wasiirka qorshaynta qaranka Maxamed Ibraahim Aadan Qabo, wasiirka warfaafinta iyo wacyigelinta, mudane Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Caddaani, wasiir ku xigeenka Madaxtooyada, Mudane Axmed Xaashi Cabdi iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Mudane Cali Axmed Cali.

Kulankaasi ka dib waxa Saxaafadda warbixin ka siiyey wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire iyo Ergeyga qaramada midoobay, iyadoo saxaafaduna su’aalo ka waydiisay ujeeddada socdaalkiisa iyo arrimaha Somaliland.