Xidiga xulka qaranka Belgium iyo kooxda Chelsea ee Eden Hazard ayaa si wayn loola xidhiidhinayaa in uu dhamaadka xili ciyaareedkan ka bixi doono Stamford Bridge isla markaana uu ku biiri doono kooxda Zinedine Zidane ee Real Madrid. Hazard ayaa si khaas ah u taageera Zinedine Zidane wuxuuna ka dhigtaa halyayga uu ku daydo.
Real Madrid ayaa doonaysa in ay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ku jabiso la soo wareegista Eden Hazard inkasta oo ay Chelsea hoos udhigayso xiisaha Los Blancos isla markaana uu Antonio Conte doonayo in xidiga ree Belgium uu qayb la sii ahaado kooxdiisa Blues.
Haddaba Eden Hazard ayaa ka hadlay wararka la xidhiidhinaya Real Madrid wuxuuna muujiyay sida uu Chelsea ugu faraxsan yahay isla markaana uu u doonayo in marka hore uu diirada saaro shaqada xili ciyaareedkan qabyada uga ah. Hazard ayaa xusay in uu Chelsea heshiis kula jiro kaas oo dhacaya 2020.
Wariyaha ree Belgium ee Claude Atcheba ayaa Hazard waydiiyay: Ugu danbayn adiga ayaanu todobaadkan kaa hadlaynay iyo mustaqbalkaaga noo sheeg waxa dhacaya?.
Eden Hazard oo su’aashan ka jawaabaya ayaa yidhi: ” Ma jirto wax aan ka sheegaa. Anigu waxaan u qaadanayaa kulanba kulanka ka danbeeya, taas ayay tahay”. Wariye Claude Atcheba ayaa Hazard ku sii riixay su’aasha wuxuuna waydiiyay: Miyaad doonaysaa in aad Spain u wareegto?.
Markale Hazard oo su’aashan ka jawaabaya ayaa yidhi: “Maxay tahay sababta aad aniga ii dhigaysaan wax sh*t-ka ah. Maya. Anigu halkan ayaan ku fiicanahay. Shaqo ayaa ii taala in aan sanadkan dhamaystiro, waxaan ku jiraa heshiis ah ilaa 2020. Hadda anigu halkan ayaan joogaa”.