Tababaraha kooxda Manchester United ee Jose Mourinho ayaa isku diyaarinaya suuqa dhamaadka xili ciyaareedkan oo kooxdiisa ku noqon doona mid mashquul badan wuxuuna doonayaa in uu Old Traffrod keensato kooxdii uu sida buuxda ugu dagaal gali lahaa xili ciyaareedkiisa labaad ee Red Devils. Mourinho iyo maamulka sare ee Old Traffrod ayaa markale lacag waali ah galin doona suuqa kala iibsiga iyaga oo la soo saxiixan doona xidigo qiimo qaali ah ku iman doona Red Devils.
Sida uu ku waramayo wargayska The Sun, Jose Mourinho ayaa saxiixa kowaad ka dhigan doona xidiga xulka qaranka England iyo kooxda Tottenham ee Eric Dier kaas oo boos aas aasi ah ugu jira Spurs. Tababare Jose Mourinho ayaa waqti dheer la soo dhacsanaa adeega Eric Dier waxayna Man Uunited xidigan ku doonaysaa 40 milyan oo gini.
Inkasta oo ayna Tottenham doonayn in Eric Dier uu safka kooxdeeda ka baxo haddana Mourinho ayaa kalsooni ku qaba in 40 milyan ay kooxdiisa Red Devils ka caawin karaan soo xero galinta mid ka mid ah xidigaha Tottenham ugu muhiimsan waqti xaadirkan.
Wargayska The Sun ayaa sheegay in haddii ay Manchester United ay ku guulaysato saxiixa Eric Dier in uu bilaw unoqon doono saxiixyo kale oo muhiim ah oo ay Man United samayn doono oo ay ku jiraan difaac dhexe iyo gool dhaliye. Man United ayaa xidigo badan oo kale bartilmaameed ka dhiganaysa iyada oo Antoine Griezmann uu ilaa hadda yahay xidiga ay doonayaan in lacagta ugu badan ay ku kharash gareeyaan.