Kooxdee Ugu Dhaawacyo Badan Horyaalka Premier League? Arsenal Mise Man United? Chelsea & Liverpool Halkee Ayay Kaga Jiraan Liiskaan?

Date:

Arsenal iyo Manchester United ayaa ah kooxaha ugu dhaawacyada badnaa lixdii sanno ee ugu danbeysay sida lagu ogaatay baaris ay sameysay Sky Sports.

Wadar ahaan, ciyaartoyda Arsenal waxa ay dhaawacyo ku maqnaayeen 10,285 maalmood tan iyo bilowgii xilli ciyaareedkii 2011-12, halka Manchester United ay dhumisay 9600 maalmood.

Sky Sports ayaa eegtay dhaawac kasta oo ay diiwaangelisay PhysioRoom.com tan iyo bilowgii xilli ciyaareedkii 2011-12 ilaa iyo kulamadii ugu danbeysay, waxaana ay xisaabiyeen maalmaha ay ciyaartoyda dhaawaca ku maqnaayeen inta ay xilli ciyaareedyada socdeen.

Liverpool ayaa martigelin doonta Everton Sabtida, waxaana ay labada kooxood ee Merseyside ay ku jiraan liiska dhaawacyada, iyadoo Everton ay 8,058 maalmood ay dhaawacyo ku weysay ciyaartoy, halka Reds ay tahay 8.044.

Kooxaha ka soo muuqday Premier League lixdii sanno ee ugu danbeysay, Chelsea ayaa ah kooxda ugu dhaawacyada yareed, iyadoo wadar ahaan ay 4559 maalmood ay dhaawacyo kaga maqnaayeen ciyaartoy.

Dhanka kale, Swansea ayaa ah kooxda labaad ee ugu dhaawacyada yar (5,111 maalmood), waxaa soo raaca West Brom (5,851), Manchester City (6,023) iyo Stoke (6,607).

Wadarta maalmaha ay dhaawacyada ku maqnaayeen ciyaartoy intii lagu guda jiray xilli ciyaareedyada tan iyo 2011-12

Kooxaha Wadarta Maalmaha
Arsenal 10,285
Manchester United 9,600
Everton 8,058
Liverpool 8,044
Tottenham Hotspur 7,625
Sunderland 7,353
Stoke City 6,607
Manchester City 6,023
West Bromwich Albion 5,851
Swansea City 5,111
Chelsea 4,559

XILLI CIYAAREEDKAN

Sunderland ayaa ah kooxda ay dhaawacyada diloodeen xilli ciyaareedkan iyadoo wadar ahaan ciyaartoyda dhaawacyada kaga maqnaa ay seegeen 1761 maalmood, waxaa soo raaca West Ham (1,574), Hull City (1,434), Watford (1,388) iyo Crystal Palace (1,385).

Taas bedelkeeda, xilli ciyaareedka cajiibka ah ee ay ku jirto West Brom ayaa waxaa caawiyay in kaliya wadar ahaan 389 maalmood ay ciyaartoy dhaawacyo kaga maqnaayeen, halka kooxda hogaanka heysa ee Chelsea ay wadar ahaan 444 maalmood dhaawacyo kaga maqnaayeen ciyaartoyda.

Arsenal ayaa wadar ahaan 1,038 maalmood waxa ay dhaawac ku weysay ciyaartoyda, iyadoo Santis Cazorla (150 maalmood), Aaron Ramsey (117 maalmood) iyo Per Mertasacker (166 maalmood) ay muddo dheer dhaawacyo kaga maqnaayeen.

Ciyaartoyda Manchester United ayaa wadar ahaan dhaawacyo ku maqnaa 787 maalmood iyadoo Phil Jones (90), Luke Shaw (84), Henrikh Mkhitaryan (81), Eric Bailly (59) iyo Chris Smalling (58) ay dhaawacyo ku maqnaayeen.

Wadarta Maalmaha ee ay ciyaartoy dhaawacyo ku maqnaayeen xilli ciyaareedkan

Kooxaha Wadarta Maalmaha
Sunderland 1,761
West Ham United 1,574
Hull City 1,434
Watford 1,388
Crystal Palace 1,385
Liverpool 1,299
Southampton 1,274
Everton 1,079
Arsenal 1,038
Stoke City 945
Manchester United 787
Manchester City 746
Bournemouth 730
Tottenham Hotspur 721
Swansea City 658
Leicester City 609
Middlesbrough 606
Burnley 583
Chelsea 444
West Bromwich Albion 389

Wadarta Maalmaha ay dhaawacyo ku maqnaayeen ciyaartoyda tan iyo bilowgii 2011-12

Magaca Ciyaaryahanka Wadarta Maalmaha
Jack Wilshere 884
Abou Diaby 858
Darron Gibson 792
Tony Hibbert 768
Steven Pienaar 744
Andy Carroll 723
Phil Jones 721
Vincent Kompany 647
Daniel Sturridge 640
Jack Rodwell 633

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...