Inkastoo uu yahay xiddiga ugu weyn Real Madrid sidoo kalana ugu qatarta badan hadana Cristiano Ronaldo wuxuu inyar ka hooseeyaa sidii uu xagaagii hore ahaa marka la eego dhanka kulamada iyo sidoo kale goolasha intaba.
Zidane ayaa isbadal xeeladeed ku sameeyay kooxdiisa xitaa waxey saameysay xidigii hore Manchester United, kaas oo in badan dhaawacyo ay lasoo darseen bilowgii xilli ciyaareedkii wuxuuna durba maqan yahay dhawr daqiiqo marka loo barbardhigo xagaagii hore.
Ronaldo kaliya 34-kulan ayuu kasoo muuqday kooxdiisa Los Blancos dhamaan tartamada oo dhan xagaagan, inkastoo ay Real Madrid ciyaartay kaliya 44-kulan, taasoo la micno ah inuusan 10-kulan taam buuxa u noqonin.
Isbarbardhig lagu sameeyay xagaagii hore ayaa sheegaya inuu xidigaan ka maqnaa garoomada 488-daqiiqo sidoo kalana 15-gool oo nusqaan ah ayuu sameeyay waqtigaan oo kale.
Kaliya xilli ciyaareedkii 2009/2010 oo ahaa xilli ciyaareedkii ugu horeeyay ee Ronaldo uu kasoo muuqdo Santiago ayuusan wali gaarin kaas oo uu saftay 35-kulan oo kaliya madama kooxda ay waqti hore ka hartay Champions League sidoo kalana ay xilli hore ka hartay Copa Del Rey waxaana intaas usii dheer inuu laba bilood garoomada kaga maqnaa dhaawac.
Waa hubaal inuu dhaafi doono kulamada xili ciyaareedkiisii ugu horeeyay balse wuxuu u muuqdaa mid aan aheyn sidii sanadahii hore.
Waqtigii uu ugu fiicnaa oo uu kulamo badan kasoo muuqdo kooxdiisa waxey aheyd 2011/2012 markaas oo uu kasoo muuqday 55-kulan si la mid ah kii xigay 2012/2013.