Manchester United ayaa isku diyaarineysa iney bixiso lacagaha lagu jabin karo heshiiska Neymar Junior kaas oo ah 173 Malyan Oo Pound oo u dhigma [200 Malyan oo Euro] sida ay ku waramayaan warbixino ka imaanaya Spain.
Wargeyska SPORT ee kasoo baxa gobolka Catalonia ayaa sheegay in Jose Mourinho uu diyaarinayo qorshe uu saxixa Neymar kaga dhigto bartilmaameedkiisa koowaad marka uu furmo suuqa kala iibsiga xagaaga.
Hadii heshiiskaan uu dhaco, Neymar wuxuu noqonayaa ciyaariyahanka ugu qaalisan kubadda cagta isagoo rikoorka ka qaadan doona Paul Pogba oo xagaagii lasoo dhaafay 89 Malyan oo Pound ku yimid Old Trafford.
Sport sidoo kale waxey shaaciay in Manchester ay wadahadalo la galeen wakiilada Neymar xilli Red Devils ay diyaar u tahay iney 25-jirkaan usoo bandhigto mushaar dhan 415,000 kun oo Pound.
Dhanka kale Jose Mourinho ayaa si toos ah ula hadlay xidiga reer Brazil isagoo isku dayaya inuu xidigii hore Santos ku qanciyo inuu yimaado horyaalka Premier League.
Si kastaba Manchester United ayaa diyaar u ah iney ka faa’ideysato booska uu baneynayo Wayne Rooney kaas oo isbuucii ka qaata 300,000 kun oo Pound.
Wararka xanta ah ee Neymar la xiriirinaya inuu ka tagayo waa kuwa sii baahaya, dhawaan ayey aheyd markii saxaafadda SPain ay shaaciyeen in Chelsea ay qiimaha xidigaan kala heshiisay Barcelona balse uu ka biyo diiday Antonio Conte.