Wasiirka wasaaradda Boostaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Maxamuud Cabdilaahi Cige oo gurigiisa weerar lagu qaaday ayaa ka hadlay weerarka lagu qaaday gurigiisa.
Wasiirka wasaaradda Boostaha iyo isgaadhsiinta Somaliland Maxamuud Cabdilaahi Cige oo wargeyska Geeska Africa waraysi gaar ah siiyey ayaa sidoo kale bulshada Somaliland baaq u direy,waxaana uu ugu horeyn anagoo wax ka waydiinay sababta keentay in gurigiisa la soo weeraro iyo cidda uu ku tuhunsan yahay waxa uu ku jawaabay
“Waa dhab oo gurigayga waxa lagu soo qaaday weerar,waana la rasaaseeyey balse ilaa hadda garan maayo cidda rasaasaysay ama weerarka geysatay cid aan u tuhunsanahay ama aan odhan karo ciddaas ayaa weerarka igu soo qaaday garan mayo,cid aan is haysano,cid wax naga dhaxeeyaan iyo cid cadaawad naga dhaxayso midna ma jirto,balse arrinka gacanta ayaa lagu hayaa,waana la baadhayaa,baadhitaanka ayaana wax walba lagu ogaan doonaa”sidaas ayuu ku jawaabay wasiirku.
Wasiirka wasaaradda Boostaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland mar uu baaq u dirayey bulshada Somaliland ayaa waxa uu yidhi
“Bulshada reer Somaliland waa bulsho aad u wanaagsan guud ahaan waxaan usoo jeedninayaa inay nabad galiyada ilaaliyaan inay iska dhex qabtaan qof walba oo dhexdooda dhib ka wada inay ciidamada la shaqeeyaan oo dhib walba oo amaanka lidi ku ah hadii ay arkana inay ciidamadooda la soo socodsiiyaan,barwaaqo iyo badhaadho Ayaan u rajaynayaa oo alle uga baryayaa inuu abaarta ka dul qaado nimcadiisa iyo raxmaadkiisa khayrka qabana inoogu badalo”sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay wasiirka Boostaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Maxamuud Cabdilaahi Cige.