Waa Maxay Sababta Aysan Guddiga Tartanka La Liga Xog Aruurintii Kaararka Isbuuca Ugu Darin Jaalahii Shanaad Ee Lionel Messi?

Date:

Xiriirka kubadda cagta Spain gaar ahaan guddiga tartanka La Liga ayaa iloobay iney xog aruurintii kaararka isbuuca ku daraan jaalahii uu Lionel Messi gudomay kulankii Valencia kaas oo u ahaa midkiisii shanaad.

In la siiyay kaarkaas jaalaha ah wuxuu kaga dhignaa kiisii shanaad sidoo kalana wuxuu mudan yahay inuu guto ganaax hal kulan ah isagoo inuu seego ay tahay kulanka Granada, balse ilaa iyo hadda ma cada in kulankaas loo ogolaan doono iyo in kale.

Garsooraha ayaa jaale ku abaalmariyay Lionel Messi kadib markii uu daqiiqadii 86-aad ee ciyaarta isku dayay inuu lumiyo waqtiga kulankii ay 4-2  ku dhaafeen Valencia, waxeyna ka mid aheyd warbixintii uu garsooraha gudbiyay inkastoo gudiga ay ku fashilmeen iney ku daraan xog aruurinta.

Waxaa lasoo jeedinayaa in ganaaxaan uu ugu tala galay Lionel Messi iyadoo Barcelona ay kulanka Granada u aragtay mid aan saameyn laheyn si uu taam buuxa ugu noqdo kulanka Seville, balse waxaa la rajeynayaa ka reebidii xogta iney ugu yaraan maanta war kasoo saaraan gudiga La Liga.

Guddiga maanta ayey ku dari doonaan xogta hadii ay aqbaleen kaarkii jaalaha ee Lionel Messi, ama waxey kasoo saari doonaan warbixin liddi ku ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...