Xulalka Germany iyo England ayaa ku ciyaari doona caawa garoonka Signal Iduna Park oo ay leedahay kooxda Borrusia Dortmund iyadoo kulanka uu laba micno leeyahay – mar waa kulan saaxiibtinimo oo ay iska hor imanayaan laba wadan oo ka mid ah kuwa ugu weyn yurub, halka micnaha kale uu yahay in xulka Jarmalka ay kulankaan ku sagootinayaan xidigii hore Arsenal FC Cologne iyo Bayern Munich Lukas Podolski.
Kulankaan waa wuxuu u noqon doonaa kiisii 130-aad oo uu qaranka Jarmalka matalo, waana kulankiisii ugu dambeeyay isagaana xiran doona calaamadda xushmadda ama kabtanka.
“Ma sahlana in kooxda ay hesho badalka Podolski, waa mid gaar ah, waa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu weyn ee ay jarmalka soo saareen” ayuu yiri macalin Joachim Low oo aad u xasuusta waayaha wiilkaan aan sidaas usii weyneyn.
Lukas Podolski 48-gool ayuu u dhaliyay qaranka mudadiisa wuxuna fursad u helay inuu waqti badan kasoo muuqdo qaranka waliba wuxuu fursadiisii ugu horeysay helay koobkii Euro 2004 markaas oo kulankii Czech Republic uu badal kusoo galay qeybtii labaad isagoo badalay Frings.
WARBIXINTA KULANKA:
Kulanka: Germany vs England
Kulanka – Saaxiibtinimo (Friendly)
Garonka: Signal Iduna Park
Saacadda: 10:45 Habeenimo
Garsoore: Damir Skomina (Slovenia)
MAXAA KA CUSUB LABADA XUL?
Jarmalka waxaa kulankaan ka maqnaanaya Julian Draxler, Mesut Ozil, Mario Gomez iyo Manuel Neuer oo dhamaan dhaawacyo kala duwan ku seegaya ciyaartaan.
Ozil iyo Draxler dhaawac muruqa ah ayey qabaan halka dhaawac dhanka gumaarka ah uu sheeganayo Gomez, hana ka reebin in kubka uu ka xanuunsanayo Manuel Neuer.
Goolhayaha Paris Saint Germain Kevin Trapp ayaa looga yeeray qaranka kaas oo aan wali u safan qarankiisa si uu badal ugu noqdo Neuer.
Dhinaca kale Phil Jones ayaa laga saaray qaranka England kadib markii uu tababarka ku dhaawacmay talaadadii, Raheem Sterling ayaan tababaran balse waxaa la filayaa inuu ciyaaro.
XAQIIQOOYINKA KULANKA:
Germany guuldaro kalama kulmin laba kulan oo xiriir ah qaranka England tan iyo markii uu 7-xiriir ah guuldaro ka helay intii u dhaxeysay 1935 ilaa 1966.
Jarmalka kaliya hal kulan ayey lumiyeen 18-kulan oo ay ku ciyaareen Dortmund, halka jeer oo ay lumiyeen wuxuu ahaa Semi finalkii koobka Aduunka2006 markaas oo ay talyaaniga guuldaro kala kulmeen.
England ayaa lumisay kaliya hal jeer 16-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay banaanka kusoo ciyaartay tartamada heerka qaran, kaliya Spain ayeyna kusoo lumisay November 2015. 9-guul iyo 6-barbaro ayeyna heysataa.
Jarmalka ayaa lumiyay sadexdii jeer ee ugu dambeysay oo uu gurigiisa ku qaabilay England (5-1) 2001 (2-1) 2008 iyo (3-2) 2016. Guulahaas sadex macalin oo kala duwan ayaa gaaray (Eriksson, Capello, Hodgson).
Germany:
Ter Stegen, Mustafi, Hummels, Howedes, Hector, Khedira, Kroos, Schurrle, Muller, Brandt, Podolski
England:
Hart, Clyne, Smalling, Cahill, Bertrand, Dier, Alli, Lallana, Barkley, Sterling, Vardy