Wafti uu hogaaminayo Gudoomiyaha baarlamaanka Somaliland ahna murashaxa madaxweeynaha xisbiga Waddani Dr Abdirahman Mohamed Abdilahi Cirro, ayaa saaka salaasadii Soo gaadhay magaalada Brussels ee xarunta wadanka Belgium.
Waftigan Oo ay Ka mid ahaayeen gudoomiyaha ku meel gaadhka ah ee xisbiga Wadani, Abdiqadir Jirde, Xoghayaha arimaha debeda Mohamed Abdilahi Fadal Iyo Fadumo Siciid, ayaa waxay Isla saakaba Kulan la yeesheen Guddiyada baarlamaanka Yurub ugu qaabilsan Qaarada Africa Iyo arimaha debeda.
Waxaanay waftigu uga warameen abaaraha ba’an ee wakhtin Ka jira Somaliland Iyo sida loogu baahan yahay in gargaar degdeg ah Oo caalami ah lala Soo gaadho dadka ku tabaaloobay abaaraha.
Waxaa kale Oo ay Ka wada hadleen, Doorashooyinka madaxwaynenimada ee dhawrka jeer dib loo dhigay ee Somaliland.
Xildhibaanada midawga Yurub Waxaa ay sheegeen in ay Ka shaqaynayaan Sidii ay Midawga Yurub Ay u Soo xoojin lahaayeen gurmadka abaaraha, waxaanay mar kale ku celiyeen baaqoodii ay hore u Soo saareen ee ay ku sheegeen sida ay uga xun yihiin doorashooyinka Somaliland ee dhawrka jeer Dib loo dhigay.
Arimaha kale ee la Isla Soo qaadayna Waxaa Ka mid ahaa sidii ay somaliland u heli lahayd aqoonsi caalami ah Oo ay weftiga somaliland sheegeen in ay wax wayn Ka tarayso la dagaalanka argagaxisada Iyo tahriibta.
Gudoomiye Ciro Iyo weftigiisu Waxaa ay Caawa Kulan la yeelanayaan taageerayaasha xisbiga Wadani Iyo jahliyadaha Somaliland ee ku dhaqan wadamada Belgium Iyo Holland.