West Brom vs Arsenal – Pulis vs Wenger – Wax Walba Oo Ku Saabsan Kulanka Galabta Ka Dhici Doona Hawthorns.

Date:

Arsenal ayaa marti u noqon doonta West Bromwich Albion iyadoo ka warqabta iney 4-dhibcood ka hooseyso kooxda Liverpool oo fadhisa booska 4-aad, balse laba kulan ayey gacanta ku heysataa Gunners.

Sidoo kale West Brom xagaagan hormar fiican ayey sameysay waxeyna ku jirtaa kaalinta 8-aad iyadoo 7-dhibcood u jirta booska 7-aad ee ay fadhiso Everton, balse labadii kulan ee ugu dambeeyay wey lumisay.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: West Brom vs Arsenal

Tartanka: Premier League

Garoonka: The Hawthorns

Garsoore: Neil Swarbrick (England)

Saacadda: 3:30 Galabnimo (XGA)

MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD?

West Brom garabkeeda Phillips ayaa seegay sadexdii kulan ee ugu dambeeyay madama uu ka xanuunsanayay muruqa, waxaana maqnaashaha kulankaan uu kula biiri doona James Morrison.

Salomon Rondon ayaa dib ugu soo laaban kara safka hore kaas oo aan 13-kulan wax gool ah dhalin, guuldaradii Everton ee isbuucii hore badal ayuu ku yimid.

Da’yarka England Oxlade-Chamberlain ayaa laga saaray kulankii ay 5-0 ku xasuuqeen Lincoln kadib markii uu dhaawac muruqa ah soo gaaray, balse waxaa lasoo sheegayaa inuu taam u noqon karo kuulanka maanta.

Danny Welbeck iyo Alex Iwobi ayaa kasoo bogsooday xanuunkii ay la ildarnaayeen, balse Gibbs ayaa shaki la galinayaa inu ciyaaro, halka Mohamed Elneny iyo Santi Cazorla ay seegi doonaan.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Tony Pulis ayaa guul gaaray kaliya hal kulan sagaalkii kulan ee ugu dambeeyay oo uu wajahay kulamada Premier League-ga Arsenal, 2-barbaro iyo 6-guuldaro ayuuna helay, guuldaradii (D2 L6), inkastoo kulankii gurigeeda ee xagaagii hore ay guul 2-1 ah gaareen.

Pulis kaliya wuxuu lumiyay kaliya hal kulan lixdii kulan ee ugu dambeysay oo ay Arsenal marti u noqoto koox uu leylinayay mudada Arsene Wenger, 3-guul iyo 2-barbaro iyo 1-guuldaro, afartii kulan ee ugu dambeysayna wax guuldaro ah kama qaadan.

Gunners ayaa lumisay kaliya hal jeer 12-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay wajahday West Brom, 9-guul iyo 2-barbaro ayaa u dheeri ah.

SHAXDA MACQUULKA AH:

West Bromwich Albion:

Foster, Nyom, Evans, McAuley, Dawson, Yacob, Livermore, Fletcher, Chadli, Brunt, Rondon

Arsenal:

Cech, Bellerin, Mustafi, Koscielny, Monreal, Coquelin, Ramsey, Walcott, Iwobi, Ozil, Sanchez

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook Ama Qeybta Fekradaha Ee Hoose

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...