Indhaha kubadda cagta maanta waxey kusii jeedeen Nyon oo ah halka lagu sameynayay isku aadka wareega quarter finalka tartanka Champions League – sidii la filayayna waxaa kasoo baxay kulamo waaweyn oo laga xusi karo Bayern Munich vs Real Madrid iyo Juventus vs Barcelona.
Markii la ogaaday natiijada isku aadka ayaa la ogaaday in bisha April ay u noqon doonto Real Madrid mid ay gali doonto mashaqo madama ay 15-maalmood oo bishaas ka mid ah ay la ciyaari doonto Bayern Munich oo laba jeer ah, Barcelona iyo Atletico Madrid.
Los Blancos waxey horaanta bisha April soo dhaweyn doontaa Atletico Madrid kulanka caasimadda, waxey 4-maalmood booqan doontaa Allianz Arena lugta koowaad wareega quarter finalka Champions League-ga, halka 18-ka bisha ay 18-ka bisha soo dhaweyn doonto Bayern lugta labaad, 5-maalmood kadib oo ku beegan 23-ka April waxey gurigeeda kusoo dhaweyn doontaa Barcelona.
Su’aasha in badan la is weydiiyay waxey tahay Zidane miyuu si xeel dheer u isticmaali doonaa safkiisa isagoo og kulamada horyaalla? hadii uu ka baxsado waxey u noqon doontaa wax weyn iyo talaabo uu u qaado ku guuleysiga La Liga iyo Champions League labadaba.