Xannuuno ka dhashay abaaraha ka jira deegaannada Somaliland ayaa ku sii fidaya deegaanno cusub.
Wasaaradda Caafimaadka ayaa hore u sheegtay inay xakamaysay Xanuunnadaasi, hase ahaatee ilaa afar gobol ayaa waxa ka jira xannuunno ay ka mid yihiin jadeecada, shuban-biyoodka iyo nafaqo-darrada.
Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Dadweynaha ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr. Abiib Aadan Nuur oo Arrintan laga Wareystay ayaa sheegay in mar kasta oo Abaari jirto ay Dillaacaan Xanuunnada ay ka mid yihiin Jadeecada, Oof-wareenka, Nafaqo-darrada iyo shuban-biyoodka, “Markay yimaaddaan Aaffooyinka Dabiiciga ah, Abaartuna waxay ka mid tahay Aaffooyinka saamaynta Caafimaad yeesha. Imika way Saddex jirsanaysaa Abaarta ka jirta Waddanku, markaa waxa jira Xanuunno lala xidhiidhiyo Abaaraha sida Shuban-biyoodka, Shuban-biyoodka, Nafaqo-darrada, Jadeecada iyo Xanuunnada Maskaxda ku dhaca, markaa duruufo Caafimaad oo jiraa ay jiraan, laakiin weli waxay ku jiraan Gacanta Wasaaradda Caafimaadka.” Ayuu yidhi Dr. Abiib waxaanu intaa ku daray isagoo ka hadlaya deegaannada ay Xanuunnadani ka dillaaceen, “Waa Togdheer, Sool iyo Sanaag iyo Qayb ka mid ah Saaxil ayaa ugu badan, War-bixinnada wasaaradda Caafimaadku helaysana waxa ka mid ah inuu jiro Kor u kac Shuban-biyoodka iyo Cudurka Jadeecada, labadaa oo hore Wasaaraddu uga jawaabtay, imikana Gacanta ku hayso, markaa Xanuunnadani Gacanta ayaa lagu hayaa.”
Dr. Abiib wuxuu talooyin u soo jeediyey Dadka Abaartu hayso isla-markaana deegaannadooda ay ka dillaaceen Cudurrada Shuban-biyoodka iyo Jadeecadu, “Xagga Shuban-biyoodka, Dadku waxay u baahan yihiin inay iska kar-kariyaan Biyaha ay Cabbayaan ama ay Xarumaha Caafimaadka ee Goob walba ka furan ay ka qaataan Kiniinka Biyo-sifeeye oo halka Xabbad ee Kiniinka ahi lagu ridayo Jiritaanka Labaatan Litir ah.” Ayuu yidhi Agaasime Abiib oo u warramay Shalay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA, waxaanu intaa ku daray “Hadday dareemaan in Qofka lagu soo jirana waa inay geeyaan Xarumaha Caafimaadka si loola tacaalo inta aanay Xaaladda bukaanku sii xumaanin.