Xiddigii hore ee Chelsea Frank Lampard ayaa amaanay N’Golo Kanta ka dib qaab ciyaareedkii guusha ahaa ee uu xiddiga reer France kala hortagay Manchester United isagoo ku tilmaamay xiddiga khadka dhexe ee dunida ugu fiican.
Kante ayaa dhaliyay goolka kaliya ee ay Chelsea kaga badisay Man United isagoo gool ku darsaday qaab ciyaareedkiisa cajiibka ah ee uu ku soo bandhigo khadka dhexe.
Chelsea ayaa 30 milyan ginni kula soo wareegtay 25 jirkaan xagaagii hore, waxaana uu haatan qarka u saaran yahay inuu xilli ciyaareedkii labaad oo isku xiga ku guuleysto Premier League.
Lampard oo u hadlayay BBC ka dib guushii ay kooxdiisa hore gaartay ayaa amaanay Kante.
“Waxaan xitaa oronayaa inuu haatan yahay xiddiga khadka dhexe ee ugu fiican waqti xaadirkaan caalamka oo idil, xaqiiqdii sidaas ayaan leeyahay” ayuu yiri Lampard.
“Marka aad eegto sida uu u ciyaarayo sannadkaan, goolal badan lagama sugayo laakiin waxa uu siinayo kooxda sida uu u ciyaaro iyo awooda muuqata ee uu yahay, ma arko cid ka fiican oo dunida kubada cagta maanta ku jirta waqti xaadirkaan.”
Lampard waxaa hadalkaas ku raacay Alan Shearer oo ay ciyaarta isla falanqeynayeen isagoo aaminsan in Kante uu abaalmarinada xilli ciyaareedka xaabsan doono.
“Waxaan u maleynayaa inuu isku qaadan doono abaalmarinta Football Writers’ Player of the Year iyo PFA Player of the Year,” ayuu yiri.