Kulanka: Chelsea v Man United
Wareega 8da FA Cup
Garoonka: Stamford Bridge
Waqtiga: 10:45pm Saacada Geeska Afrika
Garsoore: Michael Oliver
Tababare Antonio Conte ayaa sagaal bedel ku sameeyay shaxdiisa wareegyadii seddexaad iyo afaraad ee koobka FA Cup, waxaana uu todobo bedel ku sameeyay shaxdiisa kulankii wareega shanaad ee Wolves, laakiin lama filaan ayay noqon doontaa haddii uu labo bedel wax ka badan ku sameeyo shaxdiisa kulanka habeen danbe ee Manchester United.
Shan maalmood ayaa u dhaxeysa kulanka habeen danbe iyo kulanka xiga ee ay Chelsea ciyaareyso, sidaasi darteed ma jirto sabab uu wax badan uga bedelo shaxdiisa, waana kulan weyn oo ay la ciyaarayaan mid ka mid ah kooxaha ay xafiiltamaan.
Madaama ay United kulamo badan ciyaareyso qorshaha soo xulashada ee Jose Mourinho ayaan kala cadeyn, waxaana laga yaabaa inuu isbedelo qaar sameeyo inkastoo uu maanka ku hayo inuu aarguto guuldaradii cusleyd ee Stamford Bridge ku soo gaartay horaantii xilli ciyaareedkan markaasoo ay Chelsea 4-0 ku badisay.
MAXAA KA CUSUB?
Kabtanka Manchester United Wayne Rooney ayaa seegaya kulanka wareega 8da FA Cup ee ay la ciyaarayaan Chelsea.
Rooney waxa ay isku dhaceen Phil Jones intii uu socday tababarka waxaana soo gaaray dhaawac lugta ah, halka Zlatan Ibrahimovic ay u bilaabaneyso ganaax seddex kulan ah ka dib markii uu xusul ku dhuftay xiddiga Bournemouth Tyrone Mings isbuucii la soo dhaafay.
Weeraryahanada Anthony Martial iyo Marcus Rashford ayaa iyagana ka maqan kooxda difaacaneysa koobkaan.
Tababaraha Chelsea Antonio Conte ayaa heysta koox buuxda oo taam ah.
United ma heysato gooldhaliye sax ah oo ay ku soo shirtagto caawa.
SHAXDA MACQUULKA AH:
Chelsea (3-4-3): Courtois; Azpilicueta, Luiz, Cahill; Moses, Kante, Matic, Alonso; Pedro, Costa, Hazard
Man United (4-3-3): De Gea; Valencia, Smalling, Jones, Rojo; Pogba, Herrera, Carrick; Mata, Mkhitaryan, Lingard
MA OGTAHAY?
Kulanka caawa waa kulankii 12aad ee ay labadaan kooxood isku arkaan FA Cup. 11kii kulan ee ay hore u soo ciyaareen sideed ka mid ah waxaa soo badisay Manchester United halka seddexda kulan kale ay badisay Chelsea.
Kooxda Blues ayaa badisay labadii kulan ee ay ciyaareen FA Cup qarnigaan iyagoo 1-0 ku badiyay finalkii 2007 iyo 1-0 oo ay kaga badiyeen wareegii lixaad ee ku celiska ahaa ee ka dhacay Stamford Bridge sannadii 2013.
Chelsea lagama badinin 11kii kulan ee ugu danbeysay ee horyaal iyo koobabka maxaliga ah ee ay ka horyimaadeen United, waxaana laga dhaliyay kaliya seddex gool sagaalkii kulan ee ugu danbeysay.
Kooxda Red Devils ayaa kaliya badisay labo ka mid ah 19kii kulan ee ugu danbeysay ee horyaalka iyo koobabka maxaliga ah ee ay booqdeen Stamford Bridge.