Somaliland: Shaqaalaha Dekedda oo lagu war-galiyey in aanay Rawaxin wakhti Qadada

Date:

Waxa lagu amray in Cunto laga jarayo Mushaharkooda loogu dhex samayn doono Dekedda

Maamula cusub ee la wareegay Dekedda Berbera ayaa awaamiir cusub ku soo rogay shaqaalaha Dekeddaasi, kuwaas oo lagu war-galiyey wakhtigii ay Qadada u doonan jireen Suuqa in aanay bixi karin.

Maamulka ayaa u sheegay shaqaalaha wakhtigaasi inay dekedda ka dhex heli doonaan cunto maamulka cusubi ugu Karin doono, kaasoo kharashka ku baxaya laga jari doono qof kasta mushaharkiisa.

Talaabadan cusub ayey shaqaalaha Dekedda Berbera walaac ka muujiyeen, iyagoo ku cabanaya mushaharka ay qaataan in aanu marka hore-ba ku filnayn, sababta looga hor istaagayo inay guryahooda ka soo Qadeeyaana aanay garanayn.

Maamula cusub ayaa nidaamyo ku cusub shaqaalaha Dekedda ku soo rogay tan iyo intii ay xilka la wareegeen, taasoo ay ka mid tahay inay ka joojiyaan Jabanaha ama Jaadka ay ku dhex cunaan dekedda wakhtiyadda shaqadu socoto.

Amarada cusub ayaa caqabad ku noqday qaar badan oo ka mid ah shaqaalaha, kuwaas oo duruufo kala duwan oo muddo soo jiitamayey ay ku adkaan doonto inay mar kaliya wada qaataan, taasoo sababi karta haddii aan la maarayn ama wakhti aan la siinin inay shaqaale badani ku waayi doonaan shaqadooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...