Somaliland: Xaalad Carikan Oo Ka Dhalatay Muranka Cable Sherkada Golis Leedahay Oo Ka Taagan Magaalada Laascaanood.

Date:

Guclo Orodka Kooxo Sheekada Som-cable Abaabushay Iyo Xaraarada Oo Meel Halis Ah Maraysa.

Muran xoog leh oo salka ku haya Cable casriya oo ay leedahay Sherkada Golis oo ay mattaano yihiin Sherkada Telesom ayaa ka taagan Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

Qoorweynta iyo ganacsatada rer Sool ayaa hore u maalgashaday Cable ay Sherkada Golis soo galinayso Magaalada Laascaanood, waxaanay wax garadka rer Sool hore arrintan uga la shawreen Madaxweynaha Somaliland Mud. Axmed Siilaanyo xili uu socdaal ku joogay Gobolka Sool, iyagoo ganacsatada iyo wax garadka Dhulbahante ku war galiyeen Madaxweynaha iyo Wasiiradiisa in aan la carqaladayn Cable-ka ay maal gashadeen ee Shirkada Golis Magaalada Laascanood soo galinayso, iyadoo ka afeef dhigtay in aanay ogolaan doonin midkay wado Sherkada Som-cable, Maaddaama oo aanay waxba ku lahayn masaafo ahaana meel fog laga soo jiidaayo.

Madaxweynaha iyo Wasiiradii la kulmay odayaasha iyo ganacsatada Sool wax go’aan ah wakhtigaas kumay kala tagin . Hadda ayuu murankii siweyn u soo laba kacleeyay kadib markii Sherkada Som-cable oo iyadu hore ogolaasho uga haysatay Xukuumadda inay Dalka keento Cable-ka xanbaara Internetka xawaaraha iyo awooda badan ay ka biyo diiday qorshaha Sherkada Golis iyo Rer Sool Magaalada Laascaanood ku galinayaan Cable ka kale, waxaana Magaalada Hargaysa ka baxay badi Xubnaha Wasiirada Xukuumadda ee ka soo jeeda Gobolka Sool oo uu hoggaaminaayo Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) kuwaas oo isku dayaaya in ay Rer Sool ku qanciyaan joojinta qorshaha Sherkada Golis .. Geesta kale warar hoose ayaa sheegaaya in Sherkada Som-cable sidoo kale ka codsatay Taliyaha Ciidamadda Qaranka Nuux Taani in aanay ciimadamaddu u ogolaanin Sherkada Golis soo galinta Cable ka ay wado inuu soo gaadho Gobolka Sool. Si kasta ha ahaate arrintan ka dhalatay muranka Cable ka ayaa si weyn xamaasad uga kicisay Gobolka Sool..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...