Eden Hazard goolkii uu ka dhaliyay Arsenal horaantii bishii February ayaa loo doortay kii ugu fiicnaa ee ka dhasha horyaalka oo dhan bishaas, wuxuuna ahaa gool caaqibo leh oo uu kasoo abuuray bartanka garoonka.

83-gool ayaa la dhaliyay bishii February, balse goolka Hazard ayaa noqday kan ugu mudan kaas oo yimid kulankii ay kooxdiisa Stamford Bridge ku ciqaabtay Arsenal markaas oo ay 3-1 ku dhufteen.

Sideed ciyaartoy ayaa u tartamayay abaalmarintaan waxaana loogu soo codeeyay website-ka iyo sidoo kale baraha bulshada.

“Waa kan ugu wanaagsan ee aan ka dhaliyay horyaalka Ingiriiska sida la hubo” ayuu yiri Eden, “Ma aheyn mid ka fakaraya inuu dhaliyo balse tilaabo tilaabo ayaan ugu dhawaaday goolka 10-kii mitir ee ugu dambeeyayna waxaan ahaa mid kali ah”

“Marka ay kubadda tagtay halkii aan rabay waxaan dareemay inaan abuuray wax qaas ah sidaas darteed waan ku faraxsanahay”

Eden waa xidigii labaad ee Chelsea ah kaas oo abaalmarintaan ku guuleysanaya xagaagan, Pedro ayaana bishii November abaalmarintaan ku hantay goolkii Tottenham.