Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Yaasiin X Maxamuud Xiir (Faratoon), oo ka kooban 30 xubnood oo ka kala tirsan Goleyaasha Xukuumadda, Guurtida, Wakiillada iyo siyaasiyiin iyo waxgarad kale oo intooda badan dhalasho ahaan ay ka soo jeedaan gobolka Sool, ayaa shalay socdaal hawleed ku tagey gobolkaasi.
Xubnaha Weftigan ayaa waxa ka mid ah Wasiirkii hore ee Wasaaradda Biyaha Baashe Cali Jaamac oo tan iyo markii xilkaasi uu Madaxweyne Silaanyo ka qaaday dhawaan aan lagu arag fagaarayaasha siyaasadda.
Weftigan oo markii ay gaadheen magaalada Laascaanood si diiran loogu soo dhaweeyay ayaa ujeedadiisa waxa warbaahinta si kooban ugu warramay Wasiirka Arrimaha Gudaha waxaanu yidhi “Aniga, iyo weftigayga oo ka kooban soddon xubnood oo u badan masuuliyiin ka soo jeeda gobolka, waxaanu u nimid in aanu soo kormeerno arrimaha xasaasiga ah ee ka taagan Gobolka, sida Nabadgelyada, Abaaraha iyo dhibaatooyinka kale dadka haya, si aanu wax uga qabano wixii aanu haatan wax ka qaban karno, wixii kalena aanu wada tashi kala yeelano maamulka iyo bulshada”.
Socdaalka Weftiga ka socda Laamaha Dawladdu ku tageen Laascaanood oo ku soo beegmaya Xilli loo maaro la’yahay Colaad u dhaxaysa laba beelood oo dega Koonfurta Gobolka Sool, ayaa waxa isaguna sidii loo nabadeyn lahaa Labada beelood ka hadlay Hoggaamiyaha Kooxda la baxday Khaatumo Dr. Cali Khaliif Galaydh oo Shalay Warbaahinta kula hadlay Degmada Widh-Widh.
Galaydh wuxuu sheegay in Kooxdiisu diyaar u tahay inay Somaliland ka wada shaqeeyaan sidii loo walaaleyn lahaa labada Beelood, “Maamulka Khaatumo wuxuu diyaar u yahay in aanu Somaliland iska kaashanno (Nabadeynta labada Beelood)..”ayuu yidhi.