Somaliland: Wasiirada Arrimaha Dibadda & Gaashandhiga Somaliland, Sacad Cali Shire Iyo Axmed Xaaji Cali Cadami Oo Ku Gacan-saydhay Yeedhmo Uga Timi Magaalada Dubai.

Date:

Wasiiradda Wasaaradaha gaashaandhiga iyo arrimaha dibadda Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami iyo Sacad Cali shire ayaa ku gacan saydhay dalab uga timid Magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.

Wakiilka Imaaraadka Carabta u fadhiya Somaliland Amb Baashe Cawil Cumar ayaa Wasiir Axmed Xaaji Cali Cadami iyo Sacad Cali Shire ku wargaliyay inay si deg-deg ku yimaadaan Magaalada Dubai, lakiin Wasiir Axmed Xaaji Cali Cadami iyo Sacad Cali Shire ayaa la sheegay inay ka dhago adageen dalabka Wakiilka Baashe Cawil.

Diidmadan Wasiiradda ayaa ku soo beegmaysa xilli uu wasiirka wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi uu afkiisa ka sheegay in uu heshiiska saldhigga Imaaradka Carabtu ka samaysanayo magaalo xeebeeda Berbera uu yahay mid ay wada-galeen Madaxweynahii hore ee dawladda Soomaaliya iyo Madaxweynaha dawladda Somaliland.

Wasiirka Madaxtooyada Md.Maxamuud Xaashi, ayaa hadalkan ka sheegay mar uu hadal ka jeedinaayey xaflad ballaadhan oo loo qabtay Jaaliyadda Dubey, waxaana uu sida oo kale tilmaamay in loo baahan yahay in labada wadan ay isu ixtiraamaan wixii mashaariic horumarineed ah ee ay galayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...