Somaliland: “Guurtida Waa In La Kala Diraa Oo Aanay Golaha Sii Joogin”Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir

Date:

Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Cabdilaahi ayaa ka hadlay muddo kordhintii ay Guurtidu u sameeysay Xukuumadda, Wakiilada iyo Golayaasha Deegaanka, waxaanu sheegay in aanay haboonayn in Guurtidu wax ka bedesho heshiiskii Xisbiyada ee Komishanka iyo Madaxweynuhuna la ogaayeen.

Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Cabdilaahi  oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa yidhi “Golaha Guurtida, waa in gabigoodaba la kala diraa, waa in la bedelaa, oo aanay Golaha sii joogin, maxa yeelay arinta ay ansixiyeen arin lagu murmo may ahayn, suurtagalna may ahayn inay wax ka bedelaan, maxaa yeelay Xisbiyada ayaa ka tashaday, oo ka heshiiyey, Komishanku wey la ogaayeen, Madaxweynaha Qarankuna raali buu ka ahaa, markaas waxay ahayd inay sidaas ku ansixyaan, ee may ahayn inay wax ka bedelaan”

Suldaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “markaas inay madaxa wax isku galiyaan mooye, waxba ma hagaajinayaan, kuwana dadka Guurti u noqon mayaan, ee in la bedelo ayey u baahan yihiin”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...