Masuuliyiinta Saddexda Xisbi Qaran ee UCID, Kulmiye iyo Waddani, ayaa ka hadlay dareenkooda ku aaddan muddo-kordhinta uu Golaha Guurtida Somaliland shalay u kordhiyey Madaxweynaha, Madaxweyne Ku-xigeenka, Golayaasha Deegaanka, Wakiillada iyo Guurtida-ba, iyaga oo muujiyey in wax ka beddel lagu sameeyey go’aankii ay hore isula qaateen Xisbiyada, Xukuumadda iyo Guddiga doorashooyinku, haddana inay soo dhawaynayaan go’aanka Odayaashu fadhigoodii shalay ku ansixiyeen.
Golaha Guurtida, ayaa u codeeyey, isla markaana aqlabiyad ku meel-mariyey go’aan afar qodob ka kooban oo Guddi Goluhu u saaray Sabtidii oo 21 Xildhibaan ka koobnaa soo gaadheen oo ay fadhigii shalay u soo gudbiyeen Golaha. Afartaas qodob oo kala ah; inay Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa u kordhiyeen muddo ka bilaabmaysa 28-ka April 2017, kuna dhammaanaysa 13-ka bisha 12-aad ee 2017-ka, halka ay Golayasha iyo Wakiillada go’aamiyeen in wakhtigoodu ku dhammaanayo 28-ka bisha 4-aad 2019-ka oo doorashadooda maalin la wada qaban doono bil ka hor dhammaadka wakhtigaas iyo Golaha Guurtida oo ay ka dhigeen sannad ka dib doorashada Wakiillada iyo deegaanka, waxaanu wakhtiga Guurtidu ku dhammaan doonaa 2020-ka.
Haddaba, markii fadhigii Isniintii shay ee Guurtida oo uu guddoominayey Guddoomiyaha Golahaas Saleebaan Maxamuud Aadan, ay afartaas Qodob ee Guddigu u soo gudbiyeen ansixiyeen, ka dib waxay Warbaahintu dareenkooda wax ka weydiisay Masuuliyiinta saddexda Xisbi ee Kulmiye, Waddani iyo UCID.
Guddoomiyaha ahna Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga talada haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlaya aragtidiisa go’aanka Guurtidu shalay gaadhay, waxa uu yidhi; “Golaha Guurtidu waa Golihii Dastuuriga ahaa ee go’aanka lahaa, markaa wixii ay soo saaraan waa loo hoggaansamayaa, waayo? Iyaguu Dastuurku xaq u siiyey go’aankaas inay gaadhaan, markaa waannu u hoggaansamaynaa waxa ay soo saareen.”
Sidoo kale, Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa sheegay inay soo dhawaynayaan go’aankaas, waxaanu yidhi; “Go’aankan Golaha Guurtidu gaadhay oo uu iyaga xaqsiinayo muddo-kordhinta, waxaan u malaynayaa lixdan ama dhawr iyo lixdan maalmood bay ku dareen soo jeedintayadii, inkastoo aannu jeclayn go’aankaa hore, haddana go’aankooda waannu soo dhawaynaynaa Golaha Guurtida.”
Xoghaye Ku-xigeenka guud ahna Ku-xigeenka Xoghayaha guud ee Xisbiga UCID Cabdinaasir Yuusuf Qodax, ayaa sheegay inay soo dhawaynayaan go’aanka muddo-kordhinta Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa, hase-yeeshee, ay cambaaraynayaan muddo-kordhinta ay u sameeyeen Golohooda, Golayaasha Wakiillada iyo Deegaanka ee ay ka dhigeen wakhtiga ay sii joogayaan Guurtida oo illaa 2020-ka ah iyo Wakiillada iyo Deegaanka oo ay ka dhigeen 2019-ka.
Waxaanu Cabdinaasir Qodax oo arrimahaas ka hadlayaa yidhi; “Go’aanku mid wada socda ayuu ahaa oo heshiis baannu ku soo gaadhnay saddexda Xisbi, Komishanka iyo Xukuumadda-ba, waxaanay ahayd doorashada Madaxtooyada in la qabto sannadkan, taas may dhaafin inkastoo ay khilaafeen oo tobankii bisha tobnaad, halka Wakiillada iyo deegaankana aannu nidhi halla qabto dabayaaqada 2018-ka, ayuu ahaa go’aankii aannu isla soo qaadannay, balse is-beddel bay ku sameeyeen. Markaa, waannu soo dhawaynaynaa go’aanka ay ku kordhiyeen muddada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka.”
“Laakiin, waxaa sharci-darro iyo xaaraan ah oo wax allaale waxay u cuskadeen jirin Golayaasha Wakiillada, Guurtida iyo deegaanka oo sabab ay u cuskadeen inay sii fadhiyaan aanay jirin, looma baahnayn muddo intaa le’g oo ay sii fadhiyaan, waxaa loo baahanyahay isbeddel iyo inay Dad kale oo aqoon lihi soo fadhiistaan Golayaasha, markaa waannu cambaaraynaynaa muddo-kordhintaas, talo kalena waannu ka yeelan doonnaa.” Sidaa ayuu yidhi Cabdinaasir Yuusuf Qodax.
Somaliland: Hoggaanka Xisbiyada UCID, Kulmiye Iyo Waddani Maxay Ka Yidhaahdeen Go’aanka Guurtidu Afarta Muddo-kordhineed Ku Sameeyeen?
Date: