Eden Hazard & Diego Costa Oo Chelsea Ka Soo Caawiyay In Ay West Ham United Ku Soo Garaacdo London Stadium

Date:

Chelsea ayaa halkeeda ka sii watay qaab ciyaaeedkii fiicnaa ee ay xili ciyaareedkan ku soo jirtay waxayna guul muhiim ah ka soo gaadhay kooxda West Ham United si ay u soo ceshato 10 kii dhibcood ee ay hogaanka horyaalka Premier Leaque-ga ku haysay inkasta oo ay Manchester City gacanta ku haysato hal kulan. Waxaa Chelsea guushan ka soo caawiyay Eden Hazard iyo Diego Costa oo min hal gool dhaliyay.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

West Ham: Randolph, Kouyate, Fonte, Reid, Cresswell, Noble, Obiang, Feghouli, Lanzini, Snodgrass, Carroll.

Kaydka:Adrian, Collins, Byram, Masuaku, Fernandes, Calleri, Ayew.

Chelsea: Courtois, Azpilicueta, David Luiz, Cahill, Moses, Fabregas, Kante, Alonso, Pedro, Diego Costa, Hazard.

Kaydka:Begovic, Zouma, Terry, Matic, Loftus-Cheek, Willian, Batshuayi.

Chelsea ayaa sidii laga filayay soo bandhigtay qaab ciyaareed aad u fiican waxayna markiiba ahayd kooxda goolal laga filan karayay balse sidoo kale West Ham United ayaa iska caabin kala hortimid iyada oo doonaysay in ay Blues xaalada ku adkayso. Kooxda Antonio Conte ayaa heli kartay in ay ciyaarta disho qaybtii hore ee kulankan balse goolhayaha West Ham ee Randolph iyo difaaca Hammers ayaa awooday in ay fursado badan iska badbaadiyaan.

DAQIIQADII 25 AAD GOOOOOOOOOOOL!! Chelsea ayaa kadib dadaal badan heshay goolkeeda furitaanka kaas oo uu u saxiixay Eden Hazard kadib markii ay Blues weerar fiican soo qaatay waxaana caawinta goolkan sameeyay xidiga xili ciyaareedkan shidan ee Pedro Rodriguez iyada oo Hazard uu si fiican u garaacay goolhaye Darren Randolph oo shaqo badna kulan ka hayay waxayna ciyaartu noqotay 1:0 ay Blues hogaanka ciyaarta ku qabtay.

Goolkan ayaa ahaa goolkii 4 aad ee uu Hazard horyaalka Premier leaque-ga kaga dhaliyay West Ham mana jirto koox kale oo uu ka dhaliyay goolal intan ka badan wuxuuna sidoo kale min 4 gool ka dhaliyay Tottenham iyo Newcastle United.Dhinaca kale Pedro ayaa saddex kulan oo xidhiidh ah oo horyaal ah goolal dhaliyay ama caawin ka sameeyay markii ugu horaysay tan iyo August 2013kii.

West Ham United ayaa goolka barbaraha ku raadinaysay kubbado dhaadheer oo ay doonayeen in uu Carroll madaxa u dhaliyo balse goolhaye Courtios ayaa diyaar u ahaa in u halista kooxdiisa ka ilaaliyo. West Ham ayaa raadinaysay dariiqii ay ciyaarta ugu soo laaban lahayd basle Blues ayaa ugu dhawayd in ay la timaado goolkeeda labad.

DAQIIQADII 41 AAD Cheslea ayaa u muuqatay in ay heshay goolkeeda labaad ee kalsoonida kadib markii uu Hazard kubbad halis ah soo dhex dhigay xerada ganaaxa West Ham laakiin  Diego Costa ayaa awoodi waayay in uu kubbada darbeeyo waxaana kubbada si xoogan u laagay Moses balse difaaca  Cresswell ayaa sameeyay daboolid muhiim ah.

Taas oo dhaawac soo gaadhsiisay inkasta oo ugu danbayn iska kacay balse markale kubbada soo booday ayuu Pedro ugu dhawaan ku dhaliyay goolka labaad ee Chelsea balse waxaa badbaadin cajiib ah sameeyay  goolhaye Darren Randolph. Ugu danbayn qaybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1:0 ay Chelsea guul ugu taagnayd.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay markiiba Chelsea bilawday qorshihii ay ciyaarta ku dili lahayd ka hor inta ayna West Ham United raadin goolkii barbaraha ee ay ciyaarta dib ugu soo laaban lahayd waxanaa markiiba ismuujiyay Hazard oo dhibaato badan ku abuurayay Hammers.

DAQIIQADII 50 AAD GOOOOOOOOOOOOOL!! Chelsea ayaa heshay goolkeeda labaad ee kalsoonida waxaana goolkan Blues u saxiixay Diego Costa oo dhaliyay goolkisii 17 aad ee horyaalka Premier Leaque-ga uu xili ciyaareedkan ka dhaliyay iyo waliba goolkiisii 49 aad ee waayihiisa Premier Leaque-ga laakiin waxa uu ugu dhawaan goolkani ahaa goolkiisii ugu sahlanaa isaga oo kubbad uu madaxa iskaga saari kari waayay Obiang ku hor helay goolka West Ham isaga oo markiiba Winston Reid kubbada ka horqaatay wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2:0 ay Chelsea kula timid goolka ay hogaanka ku dheeraysatay.

DAQIIQADII 52 AAD Alonso ayaa si qurux badan kubbada ugala dhex baxay laba ciyaartoy oo West Ham ah wuxuuna kubbada la hortagay goolka West Ham balse dhamaystirkiisa ayaa noqday mid liita inkasta oo uu shaqo cajiib ah soo qabtay, wuxuuna kooxdiisa ka lumiyay fursad uu ku dhalin karayay goolka saddexaad.

DAQIIQADII 61 AAD West Ham ayaa cadaadis wayn saartay Chelsea iyada oo kubbad uu soo karoosay Snodgrass ay Feghouli iyo Fonte ugu dhawaadeen in ay goolal ku dhaliyaan laakiin difaaca Chelsea ayaa darbooyin isku xig xigay iska daboolay.

DAQIIQADII 66 AAD Diego Costa ayaa helay fursad uu ciyaarta hurdada ugu diri karay isla markanaa uu ku burburin karayay iska caabinta West Ham wixii ka hadhay laakiin kubbad ay si fiican uga soo shaqeeyeen Kante iyo Hazard ayuu Costa si qurux badan ugu darbeeyay goolka Hammers laakiin goolhaye Darren Randolph ayaa awooday in uu kubbada shabiqiisa ka leexiyo wuxuuna iskaga saaray koorne!!!.

DAQIIQADII 90+2 AAD GOOOOOOOOOOOOL!! West Ham United ayaa heshay gool aad waqtigiisii uga soo daahay isla markaana waxaa goolkan Courtios ugu diiday in uu shaqa nadiibta ah in uu garoonka kala baxo ugu diiday Manuel Lanzini kaas oo dhamaadkii kulankan kooxdiisa u keenay goolka uu ku soo yareeyay labada gool ee ay Chelsea u muuqatay in ay guusha ku gaadhay.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2:1 ay Chelsea ku soo garaacday West Ham United isla markanaa ay ku soo heshay saddex dhibcood oo xili ciyaareedkeeda aad muhiim ugu ah. Chelsea ayaa yeelatay 66 dhibcood waxayna ka fogaatay culayskii ay ka dareemaysay  Manchester City oo uu kulan baaqi u yahay iyo Tottenham

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...