Somaliland: Xisbiga Wadani Oo Muqdisho Udiray Siyaasi Duur, Qorshe Dhiig Bax ku Ah Qaranka Jsl

Date:

Kulan Marag Furey Heshiiskii Kal Hore Dhex Maray Hogaanka WADDANI Iyo Farmaajo Oo Mad-Madow Badani Ku Jiray

Siyaasi Maxamed Nuur caraale (DUUR) oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee Xisbiga mucaaradka ah WADDANI ayaa ka degay magaalada muqdisho, waxaana warar kala duwan kasoo baxayaan socdaalkiisa kuwaas oo ilo dhaq-dhaqaaqiisa la socdey wargeyska SAHAN u xaqiijiyeen in muddane duur ku sugan yahay caasimada somaliya ee muqdisho waxaana ilo lagu kalsoon yahay oo ka agdhow xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI tibaaxeen in masuulkan uu diray Xisbi Mucaaradka WADDANI ka dib xidhiidho dheer iyo balamo u dhaxeeyey masuuliyiinta xisbigaas iyo madaxweyne farmaajaha somaliya kuwaas oo salka ku hayey kulamadii labada dhinac ku dhex maray dalka kenya qorshahaas oo ahaa sidii labada dhinac iskaga kaashan lahaayeen in midba dhankiisa madaxweyne noqdo iyo sidoo kale dib usoo nooleynta midnimadii dhicisowdey,

sidoo kale waxa iyaguna jira qorshe madaxweynaha somaliya farmaajo iyo xisbiga WADDANI iska kaashanayeen kaas oo ahaa sidii xisbiga WADDANI uga soo horjeedsan lahaa saldhiga imaaraadka ee magaalada Berbera laga kireeyey taas badelkeedana ay dawlada somaliya bixiso dhaqaale xoojiya kacdoonka xisbigu ugu jiro mudaharaadyo dal iyo dibadba ka dhaca oo shacabka lagu guubaabiyo dhaqaalahaas oo sidoo kale ah mid maaliyad ahaan lagu fulinayo dhaq-dhaqaaqa xisbiga.

Socdaalka siyaasi Maxamed Nuur Caraale (DUUR) iyo kulamada foolka- foolka ah ee uu magaalada muqdisho kula yeeshay madaxweyne farmaajo ayaa ah laba qorshe kuwaas oo kala ah sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka xisbiga WADDANI iyo Dawlada somaliya si loo helo midnimo soomaaliyeed oo mar kale curata iyo in ololaha midnimo doonku ka muuqdo gobolada Somaliland oo ay fudeydiyaan saraakiisha sar-sare ee xisbigu taa badelkeedana ay dawlada somaliya bixiso lacago ka caawinaya dhanka ololaha doorashada madaxtooyada dalka si ay iskaga caabiyaan awooda xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE taasina ay ka go,an tahay madaxweynaha somaliya muddane farmaajo,

dhanka kale qorshaha labaad ayaa la sheegay inuu yahay in siyaasi duur ka mid noqdo xukuumadda dhawaan raysalwasaare khayre soo dhisi doono oo xil muhiima uu ka qaban doono maadaama uu yahay xidhiidhiya labaad ee isku xidha maamulka muqdhisho iyo xisbiga WADDANI. Socdaalka Siyaasi duur ayaa ku soo beegmaya xili dawlada somaliya iyo xisbiga WADDANI Geed dheer iyo mid gaabanba u fuuleen sidii ay ufashilin lahaayeen saldhiga milatari ee Imaaraadku ku yeelanayo magaaladda Berbera.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...