“Ismaaciil ma aha nin tanaasulay waana la ogyahay, dadkana waxan leeyahay haku kadmina hadallada beer-laxowsiga ah ee uu idiin jeedinayo waa nin foge, waxa uu Somaliland u geystayna cidina uma geysan….”Xildh. Bukhaari
Xildhibaan Saleebaan Cawad Bukhaari oo katirsan mudaneyaasha golaha wakiillada ee laga soo doorto gobolka Sanaag, ayaa jawaab adag ka bixiyey hadallo dhawaan kasoo yeedhay wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Somaliland Md. Ismaaciil Hurre Buubaa oo haatan ka tirsan xisbiga WADDANI, kuwaas oo la xidhiidhay yididiilo xumo uu dalka ka muujiyey iyo dhaleecayn uu u jeediyey hoggaanka maanta ee dalka.
Xildhibaani Bukhaari oo waraysi siiyey shabakadda wararka ee Hadhwanaagnews, ayaa sheegay inuu Ismaaciil Buubaa hore god madow ugu riday qaranka Somaliland, isla markaana uu muddo nus-qarni ah ka talinayey hagardaamadeeda iyo liixinteeda.
Xildhibaan Bukhaari isaga oo arrimahaas ka hadlaya waxa uu yidhi, “Somaliland haddii cidi af libaax gelisay waa ninkii geliyey ee hogga ku riday ee waqtigii ay ay curdinka ahayd eel aba jirka ahayd surwaalka Shiingeyga ah u gashaday ee Maraykan, Xamar iyo London iskaga dabqaadayey ee wixii oo barbaar iyo dhallinyaro ahaa fikirkii uu keenay ay ku maqan yihiin.”
Isaga oo dhaleecayn iyo eedo culusba isu barkinaya siyaasi Buubaa, ayuu sheegay inuu weli raacdaynayo fursad uu markale qaranka gaamuray ku kala daadiyo oo uu ku dhibaateeyo, “Ismaaciil-ow af libaax waadigii ku riday Somaliland, maantana waxad dul taagan tahay godkii aad ku ridday oo aad eegayso inay kasoo baxday iyo in kale, maantana dad baa is yidhaahda Fikirkiisii wuu kasoo noqday, laakiin kamuu soo noqon oo fursad labaad iyo caqliyad labaad ayuu doonayaa isaga oo khibraddiisii isticmaalaya si uu mar labaad fikirka ku qaadhay ee uu qabo uu uga faa’iidaysto fufkii ka hadhay aabayaashii uu fikirkiisu galaaftay”ayuu yidhi Saleebaan Cawad Bukhaari.
Xildhibaan Bukhaari Waxa uu farriin digniin ah oo ka dhan ah siyaasi Buubaa u diray shacabka reer Somaliland, waxana uu sheegay inaanu weli ka tanaasulin mabda’ii Soomaaliweynta ahaa ee muddada dheer xambaarsanaa, isla markaana ay haatan ujeeddadiisu tahay sidi uu Somaliland u hagardaamayn lahaa, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Ismaaciil ma aha nin tanaasulay waana la ogyahay, dadkana waxan leeyahay haku kadmina hadallada beer-laxowsiga ah ee uu ina Buubaa idiin jeedinayo waa nin foge, waxa uu Somaliland u geystayna cidina uma geysan, cidina uma geysan doonto, waxana aynu moodaynaa inuu wanaaga inala raadinayo’e reer Somaliland-now Ismaaciil Buubaa waa nin foge aynu meel uga soo wada jeedsano, intii uu hore inoo gaadhsiiyeyna yaanu dib inoo gaadhsiin.”