Somaliland: Siyaasiga Maxamed Nuur Caraale Duur Oo Ka Dagay Magaalada Muqdisho, Kana Hadley Ujeedka Safarkiisii

Date:

Siyaasi Maxamed Nuur Caraale Duur oo hore Xukumada Madaxwayne Siilaanyo uga soo qabtay xilka Wasiirka arimaha Gudaha Somaliland haatana ka mid ah Saraakiisha sar sare ee xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa ka Degay Caasimada Dalka Somaliya ee Muqdisho.

Siyaasi Maxamed Nuur Caraale Duur ayaa ujeedada socdaalkiisa ee Magaalada Muqdisho waxa Uu ku sheegay mar uu la hadley warbaahinta somaliland in uu socdaalkiisu khuseeyo dano shakhsi oo gaar ah dhawaana si dhakhso ah uu dib ugu soo laaban doono Dalka Somaliland.

 Masuulkan hore u ahaa Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale ayaa xaqiijiyey in uu haatan si rasmi ah ugu sugan yahay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Somaliya, waxaanu ka gaabsaday in uu faah faahin dheeraad ah ka bixiyo Ujeedooyinka rasmiga ah ee xiligan kala guurka uu ku jira dalka Somaliya uu halkaasi u tagay.

Masuuliyiin badan oo xilal kala duwan ka soo qabtay Xukumada Siilaanyo iyo kuwa haatan ka haya ayaa haatan jooga Magaalada Muqdisho xilli la filaayo in dhawaan uu Raysal Wasaaraha Cusub ee Somaliya Xasan Cali Khaire soo dhiso Xukumadiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...