Saddexda Xisbi Qaran ayaa aragtiyo kala duwan ka bixiyey natiijada laga filan karo muddo kordhinta Golaha Guurtidu u sameeyo Golayaasha Qaranka, Xisbiyada Mucaaridka oo Wargeyska Himilo la xidhiidhay ayaa wallaac ka muujiyay in Golaha Guurtidu raaci waayo heshiiskii hore ay uga gaadheen Muddo kordhinta, taasoo ay qaarkood ku sifeeyeen inay tahay tallaabo khalkhal abuuri karta.
Walaaca xisbiyada ayaa ku soo beegmaya xilli ay Guurtidu qaaday tallaabadii u horreysay ee ay ku wajahayso Muddo kordhinta oo ah.
Shir-guddoonka Golaha Guurtida Somaliland, ayaa Shalay Guddi ka kooban 21 Xildhibaan u saaray inay ka soo Talo-bixiyaan Muddo-kordhin Goluhu u sameeyo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo Golaha Wakiillada Somaliland.
Fadhigii Shalay ee Golaha Guurtida, ayaa waxa Guddidaasi kaga dhawaaqay Guddoomiyaha Golahaasi Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, waxaanu sheegay in Hawlaha kale ee u yaalla Golaha laga hor-marinayo fulinta Go’aanka Xukuumadda, Xisbiyada iyo Komiishanku ka sugayaan, ee ah in Muddo kordhin markii labaad ah loo sameeyo Xukuumadda Madaxweyne Axmed-Siilaanyo iyo Golaha Wakiillada, maaddaama oo Muddo kordhimihii hore loogu sameeyay Xukuumadda iyo Wakiilladu gebogabo yihiin.
Guddoomiye Saleebaan oo hadal kooban u jeediyey Xildhibaannada Golaha Guurtida Shalay, ayaa yidhi, “Maanta (Shalay) iyo Berri (Maanta) hawlihii Golaha dib-baynu u dhiganaynaa, oo waxaynu dhamaynaynaa hawlihii kale ee Qaranku innaga sugayey (Muddo kordhinta)..” ayuu yidhi Guddoomiyaha Guurtidu, waxaanu intaa ku dartay, “Waxaan saaray Guddi ka kooban 21 Xubnood oo uu Guddoomiye u yahay Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Guurtida, waxaanu culayskaa u saarnay waxa weeyaan…Cid walba ha iska Aragto.”
Guddoomiyaha Guurtidu waxa kale oo uu sheegay, “Guddida waxaanu ka codsanaynaa inay Maanta (Shalay) iyo Berri (Maanta) hawshaa ku soo dhameeyaan, Golaha intiisa kalena waa Fasax.” Ayuu yidhi.
Xoghayaha Guud ee Golaha Guurtida Mr. Naasir oo markaasi ka dib, Mudaneyaasha Golaha Guurtida u akhriyey Magacyada 21 Xubnood ee Guddida ah, ayaa yidhi.
- Siciid Jaamac Cali, Guddoomiyaha Guddida, ahna Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Guurtida
- Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan, ku xigeen
- Maxamuud Xaashi Rooble, Xubin
- Cabdi Xuseen Maxamuud, Xubin
- Axmed Nuur, Xubin
- Cabdiqaadir Maxamed Xasan, xubin
- Cabdiraxmaan Nuur Maxamed, xubin
- Dayib Xasan Axmed, xubin
- Siciid Cabdillaahi Xasan, xubin
- Xirsi Ciise Jaamac, xubin
- Cabdicasiis Maxamed Gaax-nuug, xubin
- Siciid Xaaji Xuseen, xubin
- Muxumed Cumar Xaaji Aadan, xubin
- Muuse xaaji Aadan, xubin
- Muuse Ibraahim Aw Nuur, xubin
- Xaaji Cabdi Xuseen Yuusuf, xubin
- Nuur Daahir, xubin
- Cawil Xuseen Axmed, xubin
- Axmed Aadan Jirde, xubin
- Xaaji Cabdiraxmaan Cismaan Jaamac, xubin
- Yuusuf Cabdillaahi Xawaadle, xubin
- Cabdinaasir Aadan Beegsi (oo ah Xoghayaha Guud ee Golaha, ahna Xoghayaha Guddida la Magacaabay.
Guddidan oo la siiyey inay Muddo laba Maalmood Gudahood ah ku soo Gudbiyaan Talo-bixin ku saabsan Muddada Golaha Guurtidu ka dhigi karo Muddo kordhinta loo samaynayo Xukuumadda iyo Golaha Wakiillada, ayaa waxa indhaha ku haya Xisbiyada Qaranka ee kala ah WADDANI, KULMIYE iyo UCID, kuwaasi oo hore ugu heshiiyey in Muddo kordhintu ahaato muddada u dhaxaysa 28-ka bishan March, 2017 illaa 10-ka bisha October ee isla Sannadkan, wallow aan la saadaalin karin muddada Guurtidu ka dhigi doonaan. Maaddaama oo Guddida uu Guddoomiyuhu u saaray inay ka soo Talo-bixiyaan Muddo-kordhintu muujinayso in Guurtidu aanay ku Go’aan qaadanayn soo jeedintii Xisbiyada Qaranka Somaliland, isla-markaana soo baxeen Tuhunno arrintaa ku saabsan, waxa uu Wargeyska Himilo uu Xalay xidhiidho la sameeyay Masuuliyiinta Saddexda Xisbi Qaran ee UCID, WADDANI iyo KULMIYE, waxaanu hor-dhigay Su’aasha ah siday u arkaan in Shir-guddoonka Guurtidu uu Guddi Talo-bixineed u saaro Muddo-kordhinta iyadoo uu jiray heshiis dhex maray Saddexda Xisbi oo la doonayey in Guurtidu ku salayso Muddo kordhinta.
UCID
Af-hayeenka Xisbiga UCID Mudane Maxamed Xasan Kheyre oo Wargeyska Himilo khadka Telefoonka kula xidhiidhay oo uu wax ka weydiiyey sida uu arko tallaabada golaha Guurtidu qaaday ee ah in Guddi gaar ah loo saaro talo-bixinta Muddo-kordhin loo sameeyo Xukuumadda iyo Golaha Wakiilalda ayaa waxa uu ku jawaabay “Xisbi ahaan waxaanu u aragnaa in Goluhu uu shaqadiisii u gaarka aheyd haysto, markaa waanu sugaynaa natiijada oo ka deg-degi mayno”.
Afhayeenku waxa kale oo uu ka hadlay waqtiga Muddo-kordhinta “Xisbi ahaan ma jeclin in la dhaafiyo muddadii aanu hore ugu heshiinay, waxaanuse jecel nahay in maqaalufo laga sameeyo dalka oo wixii Axsaabta iyo Kommishanku ay ku heshiiyeen ay Guurtidu ku sallayso”.
Afhayeenku waxaanu intaasi ku daray “Waxaan u arkaa in xogogaal u noqosho ay u baahan tahay xaaladda abaartu iyo meelaha ay roobabku ay ka da’een iyo dadkii hayaamey xilliga ay ku soo noqon karaan, sidaasi awgeedna ay guddiga Guurtidu u saartey lafteedu u baahan tahay inay samayso qiimeyn, waayo arrinku wuu culus yahay, sidaasi ayaan u haystaa in guddigan 21ka xubnood ah loogu saaray, mana arko sabab loo qaadaco, waxaanan u arkaa golle shaqadiisii haysta oo ay tahay in lagu ixtiraamo, haddii sida aanu doonayno ay u dhacdo waa ILAAHAY mahadii, haddii ay si kale u dhacdana xaq ayaanu u leenahay in aanu ka hadalno”.
Afhayeenka oo mar kale Wargeyska Himilo weydiiyey aragtida Xisbiga UCID ee ku aadan haddii Golaha Guurtidu sameeyo Muddo kordhin ka duwan tii ay hore ugu heshiiyeen Xisbiyada iyo Kommishanku ayaa ku jawaabay, “Ma fiicna khilaaf in dalka mar walba la keeno, balse haddii muddadaa wax lagu daro waxaanu taaganahay Xisbi ahaan muddadii aanu hore isugu raaceen Axsaabta iyo Kommishanku ee ay cid waliba ku raacday in ay nagu raacaan, haddii ay naga soo hor jeestaan oo ay muddo kale keenaan durruufahan jira awgood, dee waa wax yar oo waa la aqbali karaa, haddiise ay wax weyn keenaan xaaladdaasi qiimeyn ayey u baahan tahay ah in xisbi kastaa uu gaarkiisa uga shiro”.
WADDANI
Xoghayaha guud ee Xisbiga Waddani Md. Maxamed Cabdillaahi Uurcade oo isna Wargeyska Himilo khadka Telefoonka kula xidhiidhay oo uu wax ka weydiiyey sida ay Xisbi ahaan u arkaan guddiga gaarka ah ee Golaha Guurtidu u saaray arrinta muddo kordhin ayaa waxa uu yidhi “Xisbi ahaan waxaanu u aragnaa inay awooddaa iyagu (Golaha Guurtidu) ay leeyihiin, haddii ay guddi u saarayaan iyo haddii kaleba”.
Uur-cade waxa kale oo uu intaasi ku daray “Waxaan u arkaa in Golaha Guurtidu uu raacayo wixii hore loogu heshiiyey, waayo?, Guurtidu waxa Axsaabta iyo Kommishanku og yihiin wax ka duwan ma oga, qiimeynta ay sameeyaana cidna dadka iyo dalka ugama lexe jeclo badna, sidaa awgeed ayaan u arkaa inay raacayaan Guurtidu heshiiskaasi hore oo ay ku sallaynayaan muddo-kordhinta, haddii ay raaci waayaana waa tallaabo qalad ah oo khalkhal ah oo noqonaysa inay wax gaar ah ay hoos isugu ogaayeen Xukuumadda”.
Xoghayaha oo Wargeyska Himilo weydiiyey haddii Guurtidu soo saarto muddo ka duwan tii hore loogu heshiiyey waxa Xisbi ahaan ay yeelayaan “Kolba waxa ay soo saaraan ayey ku xidhan tahay waxaanu se leenahay yaan ummadda khalkhal la galinin oo yaan layska hor keenin ee waxay ummaddu ku heshiisay hala raaco”.
Xoghayuhu waxa kale oo uu intaasi ku daray “Doorasho qabsoomi weyday ma jirto ee doorashadu diyaar bay aheyd ee Xisbiga Waddani oo danta ummadda eegaya ayaa soo jeediyey inta roobku da’ayo dib loo dhigo, Xisbiyada iyo Xukuumaduna way la qaateen, si ummaddu doorashada u wada gali karto marka ay abaartu ka jabto dadka ay hayso, markaa uma arko inay wax ka badali karaan muddadii heshiiska hore, haddii aanay jirin wax hoose oo ka dhexeeyay Guurtida iyo Xukuumada”.
KULMIYE
Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac-Shabeel) oo Wargeyska Himilo khadka Telefoonka Xalay ku weydiiyey sida ay u arkaan Xisbi ahaan qaabka ay Guurtidu u waajahayso muddo-kordhinta, ayaa ku jawaabay, “Waxaanu u aragnaa sidii ay awalba samayn jireen inay sameeyeen oo ay shaqadoodii tahay”.
Shabeel oo ka jawaabay haddii Guurtidu soo saarto muddo kordhin ka duwan tii hore ay ugu heshiiyeen Axsaabta iyo Kommishanku ayaa yidhi, “Taa hala gaadho goorteeda, laakiin anagu waxaanu ka filaynaa immika Guurtidu in wixii lagu heshiiyey ay waafaqdo”.