Afhayeenka Madaxtooyadda, Eng. Xuseen Aadan Cigge (Deyr), ayaa qurbajooga Somaliland ee ku dhaqan wadanka Ingiriiska ku bogaadiyay siday dhabarka ugu soo jeediyeen isla markaana ay uga qaybqaadan waayeen muddaharaadkii fashilmay ee London ka dhacay Khamiistii ee ay iskugu soo hadheen koox yar oo u ololeysa Soomaali weyn oo ay soo abaabushay safaaradda dawladda Muqdisho ee fadhigeedu yahay UK.
Afhayeenka Madaxtooyadu waxa uu sheegay in jaaliyadda reer Somaliland ee degan wadanka Ingiriisku ay muujiyeen bisayl siyaasadeed iyo dal-jacayl xad-dhaaf ah, waxaanu ku ammaanay sidii ay dhegaha uga furaysteen muddaharaadkii lagu diidanaa saldhiga millatari ee dawladda Imaaraadka carabta laga siiyay madaarka Berbera.
Afhayeenka Madaxtooyaddu wuxuu sidaasi ku sheegay qoraal uu xalay soo gaadhsiiyay wargeyska Dawan, waxaanu ku bilaabay sidan:
“Anigoo ku hadlaya Afka Madaxweynaha JSL iyo ka Xukuumaddiisaba, waxaan halkan Hambalyo, Bogaadin iyo Amaan badan uga dirayaa Muwaadiniinta Reer Somaliland ee Damiirka, Dal-jacaylka iyo Dadnimadaba leh ee ku nool Carriga Ingiriiska sidii ay gebi ahaanba u Fashiliyeen, Dhabarkana ugu jeediyeen, Dhegahana uga furaysteen Muddaharaadkii Fashilmay ee 02.03.2017-ka ka dhacay London, kaasoo ka dhan ahaa qarannimada iyo horumarka JSL. Muddaharaadkaasi oo ay iska kaashadeen si wadajir ahna u soo abaabuleen Xukuumadda Soomaaliya iyo dad iyagu asal ahaan ka soo jeeda Somaliland oo u ololeeya fikirka khiyaaliga ah ee Soomaali weyn, oo ah iyagu horumar-diid, isla markaana dhibsadana horumar kasta oo Dalkeennu ku tallaabsado.
Muwaadiniinta reer Somaliland ee damiirka, dal-jacaylka iyo Dadnimadaba leh ee ku nool Carriga Ingiriiska iyo Yurubta kaleba, waxaan boqol jeer ku bogaadinayaa Garashada quman iyo caqliga Togan ee ay muujiyeen, iskagana garteen dabinnada iyo dhagaraha qorshaysan ee dalkooda loo maleegayo, kaasoo uu Muddaharaadkaa fashilmay ka mid ahaa.
Walaalayaal waxaad caddayseen in Muddaharaad kasta oo ay abaabulaan Cadowga Somaliland ee noocyada badan lihi aanay haba yaraatee Siyaasad ahaan, sharci ahaan iyo dhaqaale ahaan-toona waxba ka bedeli doonin Heshiisyada iyo mashaariicda caalamiga ah ee JSL la gasho dalka UAE iyo dunida kaleba,”ayuu yidhi Afhayeenku, waxaannu intaas ku daray; “Dareen-wadareedka ummadnimo waxa aasaas iyo saldhigba u ah jiritaanka Qarannimadeena. Waxa lagama maarmaan ah in ummadda Somaliland gudaha iyo dibeddaba aanay illoobin ahaanshahooda ummadnimo iyo taariikhda halgankeeda. Waa inaynu mar walba xasuusnaano waayihii iyo waqtigii adkaa ee shalay ina soo maray iyo qiimaha ay ku kacday nabadda iyo xorriyadda aynu maanta hadhsanayno.”
Afhayeen Xuseen Deyr, waxa uu sheegay in talada dalka ay hayso xukuumad ummadeedu soo dooratay oo u darban inay ka shaqeyso horumarinta dalkeeda iyo dadkeeda, waxaannu yidhi; “Haddaba, guud ahaan Muwaadiniinta JSL, gaar ahaana Muwaadiniinta ku nool qurbaha waxaan jecelahay in aan ku beraarujiyo Xilliga aynu haatan ku jirno, kaasi oo ah Xilli ay si aad ah u sii kordheen hadimooyinka iyo hagar-daamada qorshaysan ee ka dhanka ah qarannimada iyo gooni-isutaagga JSL. Hagar-daamooyinkaa waxaa horseed ka ah Xukuumadda Muqdisho ee taagta daran ee tahli weyday inay ka soo baxdo xilkii iyo masuuliyaddii ka saarnaa ummaddeeda.”
Waxa Xusid iyo is-xasuusinba mudan in Qaranka JSL uu yahay Qaran Guulaystay oo ku guulaystay inuu dadkiisa u horseedo Nabad, Degenaansho, Dimuqraadiyad iyo Horumar, sidaana ku sifoobay 25-kii sanno ee ina soo dhaafay. Waxaa innoo dhisan qaran ay u dhammaystiran yihiin kaabayaashii lagama-maarmaanka u ahaa sugidda ammaanka iyo kasbashada nabadda shicibkiisa. Waxaa talada haysa xukuumad ku timid doorasho xor iyo xalaal ah oo kalsooni buuxda ka haysata ummaddeeda, isla markaana ay si dhab ah uga go’an tahay horumarinta dalka iyo dadka JSL.”
“Garashada togan iyo caqliga taamka ah ee shicibka Somaliland waa Halbeegga iyo Astaanta lagaga Dir-sooco ummadaha kale ee aynu isirka wadaagno. Horumarka dhan kasta ah ee sida cad uga muuqda hannaanka dawladnimo ee JSL waa maxsuulkii kartida iyo awoodda ummad iyagu ku tashaday inay ka maarmaan gacan-hoorsi shisheeye. Sabir, dulqaad, dedaal, iyo quluubta wada-jirta ee ummadda Somaliland ayaa keentay guushaa loo quudhi la’ayahay ummaddan karaamada leh,”ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday Afhayeenka Madaxtooyadda Xuseen Aadan Cigge (Deyr).