Raysal wasaaraha cusub ee dalka Somaliya Muddane Xassan Cali Khayre ayaa waxaa uu xilka xafiiska Ra’iisal kal wareegay Raysal wasaarihii hore ee dalkaasi Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke
Madasha xil wareejinta ayaa waxaa goob joog ka ahaa xubnaha golaha Wasiirada ee xilka sii heyn doona inta laga soo magacaabayo gole wasiiro oo cusub.
Sidoo kale Ra’iisal Wasaarihii hore mudane Cumar Cabdirashiid oo kulanka ka hadlay ayaa u mahadceliyay xubnaha golaha wasiirada ee la soo shaqeeyey isaga oo ku ammaanay dadaalkoodii iyo waxqabadkoodii intii ay ku howlanaayeen shaqada qaranka.