Waxaanu idiin soo gudbinay Jose Mourinho oo taageero u muujiyay saaxiibkiisii Claudio Ranieri waxaana sidoo kale arintan aduunka ka wareerisay ka hadlay tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp oo shaqo ka caydhintii Leicester City ee tababare Claudio Ranieri barbar dhigay go’aankii lala yaabay ee ay UK kaga go’day midawga Yurub iyo go’aankii lama filaanka ahaa ee ay dadwaynaha Maraykanku soo doorteen madax wayne Donald Trump.
Laakiin Klopp oo su’aal iska waydiiyay in uu la yaabay in shaqo ka caydhintii Foxes ee Ranieri wuxuuna iskugu jawaabay in aanu la layaabin wuxuuna sheegay in ayna kubbada cagta oo kaliya ahayn waxa uu layaabka ka soo dhacay wuxuuna dadka xusuusiyay go’aamada ay tahay in lala yaabo ee ka bixitaankii UK ee midawga Yurub iyo doorashadii Trump.
Sida muuqaalka sare aad ka aragto Klopp oo wax laga waydiiyay shaqo ka caydhintii Leicester City ay ku samaysay Rarieri ayaa yidhi: ” Maxaan sheegi karaa? Miyaan layaabay in waxyaabo sidan oo kale ahi ay dhici karaan? Maya. Kaliya ma aha kubbada cagta. Aniga ahaan waxaa jiray dhawr go’aan oo layaab lahaa 2016/2017. Brexit(ka bixitaankii UK ee midawga Yurub), Traump( doorashadii Trump), Ranieri( caydhinta Ranier)”.
Klopp oo hadalkiisa siiwata ayaa yidhi: ” Anigu miyaan waqtiga oo dhan fahansanaa- Xaqiiqdii maya. Anigu wax fikrad ah kama haysto sababta ay Leicester kan u samaysay. Qof kastaaba waxa uu fiirinayaa xaalada horyaalka, xaalada Champions Leaque-ga, kaas oo aanan ku jirin”.