Claudio Rianeri Riyadeydii Wey Dhimatay Wax Hadhay In Laga Ceyriyay Liecester

Date:

Claudio Ranieri ayaa markii ugy horeysya ka hadlay in laga ceyriyay shaqada maclainimo eekooxda Leicester City isagoo sheegay in kooxda aysan marna ka bixi doonin qalbigiisa.

Macalinkaan ayaa la qaadya Leicester koobkoodii aanan suurogalka aheyn  ee xili ciyaareedkii hore wuxuuna haatan loogu abala guday shaqo ka ceyrin iyadoo ay tani cadeyn u tahay in kooxaha ingiriiska ay iska iloobaan durbaba abaalka aanan suurogalka aheyn ee maclaimiinta loo galo.

Ranieri ayaa yiri “Riyadeydii waxay dhimatay shalay, kadib xamaasadeenii xili ciyaareedkii hore ee aan ku guuleysanay Premier League, waxa kaliya ee aan ku riyoonayay waxay aheyd inaan sii joogo Leicester City, kooxda aan jeclahay, waligeyna aan jeclaan doono, murugo waxa ah ineysan dhicin midaas”.

“Waxaan uga mahadacelinayaa xaaskeyga Rosanna iyo qoyskeyga taageeradooda aanan dhamaadka laheyn intii aan joogay Leicester”.

“Waxaan u mahadcelinayaa Paolo iyo Andrea oo igu wehliyay safarkeygaan xiisaha badnaa, Steve Kutner iyo Franco Granello oo iyagana iga saaciday inaan noqdo HOYRYAAL”

“Inta ugu badan waxaan uga mahadcelinayaa kooxda kubada cagta Leicester City, hab socodkeena wuxuu ahaa mid cajiib ah wuxuuna ila noolaan doonaa waligey”

“Mahadsanadiiin dhamaan saxaafiyiinta iyi bahda saxaafada ee tabinayay ee nagula raaxeysanayay taariikhdaan ee aan qornay”

“Wadnaheyga wuxuu u mahadcelinayaa shaqaalaha kooxda oo dhan, ciyaartooyda, maamulka iyo qof waliba oo kooxda jooga ama qeyb ka qaatay safarkaas”

“Inta ugu badan waxaan u mahadcelinayaa jamaahiirta, waxya aheyd riyo cajiib ah oo aanan marna iloobi doonin, waa farxad iyo amaan, guul ayaan idiin rajeynaa”.

“Claudio Ranieri.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...