“Ma Aha In Cid Looga Habrado Ama Loo Joojiyo Wixii Danta Iyo Maslaxadda Umaddu Ku Jirto”..Baashe Cawil Oo Warbaahinta La Hadlay
Wiilka Madaxweyne Siilaanyo soddoga u yahay ee Somaliland wakiilka uga ah dalka Imaaraadka Carabta ahna masuulka isagu inta badan saamaynta weyn ku lahaa qorshaha Mashaariicda dhaxal wareejinta ah ee Dekedda Berbera imikana ka faro xashay Madaarka Caalamiga ah ee Berbera ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay sidii ay Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamanka Somaliland ugu codeeyeen hordhaca heshiiska xukuumaddu ku wareejinayso Madaarkaasi isaga oo sheegay in aan loo joojinayn loogana habranayn cid kasta oo ka hor timaadda wax uu ku tilmaamay horumar oo uu ula jeedo wareejinta Madaarka.
Baashe Cawil Xaaji Cumar, Wakiilka Somaliland ee Imaaraadka oo shalay la hadlayay Telefishanka dawladda ayaa sheegay in aan cidna looga habranayn wixii danta iyo maslaxadda umaddu ku jirto sida uu hadalka u dhigay waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya:
“Waxaan mahad-naq ballaadhan u dirayaa xildhibaanadii sida sharafta leh u codeeyey. Dabcan way dhacdaa in mar kasta oo barnaamijyo caynkan oo kale ahi yimaaddaan in lagu kala aragti duwanaado, way dhici kartaa dad dhinaca kale wax ka eegayaa oo si kale wax u fasirayaa. Waa la doodaa laakiin waxa dhaqan innoo ah haddii aynu nahay reer Somaliland in aynu is qancinno marka aynu doodno. Lana raaco waxa xalku yahay ee dantu tahay. Wixii danta iyo maslaxaddu ku jirto ma aha in cid loo habrado ama cid loo joojiyo ma mudna. Runtii aadbaan ugu mahad celinayaa xildhibaanada labada gole iyo shacabka Somaliland maantana waxaan odhan karaa Somaliland waxa u soo kordhay saaxiib labaad. Saaxiibo hore wayni lahayn oo dawladda Itoobiya ayaa kow ka ahayd oo xidhiidh fiicani innaga dhaxeeyey. Hore waxa aynu u ogayn in dawladda Imaaraadku maalgashi wanaagsan innoo samaysay. Maanta heshiiska Milatari iyo xidhiidhkani waxa uu samaynayaa in uu noqdo mid maslaxaddeenii iyo danaheenii innoo fududeeya iyaguna ay helaan dawlad kale oo saaxiib la ah. Aad iyo aadbaannu u faraxsanahay haddii aannu nahay gaar ahaan anigu haddii aan ahay safiirkii Imaaraadka innoo fadhiyey. Waxaanan rajaynayaa in Haddii Alle idmo wax kale oo wanaagsana mustaqbalka aanu kala shaqayn doono” ayuu hadalkiisa ku soo xidhay Baashe Cawil.