Somaliland: Qaar Ka Mid Ah Xildhibaanadii Garaacista Loo Gaystay Oo Ku Baaqay In Dalka Laga Bad Baadiyo Saleebaan Iyo Siilaanyo, Sheegayna Inaan Qoraalkaasi Heshiis Lagu Sheegi Karin

Date:

“Madaxweyne Kama Caytamo Madal Ay Joogaan “Honorable Members Of The State”, Odaygii Siduu Saaka U Hadlayay Waa Lagu Sii Kordhay Ayaan Umalayn”…Xil.Qabile

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile iyo Xildhibaan Xaamud Cismaan oo ka wada tirsan Golaha Wakiilada oo shalay Ciidanka bilaysku ka soo dhex tuureen Fadhigii Golaha ayaa Weerar afka ah ku qaaday Gudoomiyaha Golaha Guurtida Iyo Madaxweyne Siilaanyo,Sidoo kale waxa ay naqdiyeen Qoraalkii Heshiiska ahaa ee Labada Gole shalay sida deg dega ah loogu soo dhex tuuray,Waxa ay Bulshada ugu baaqeen inaanu Waxaasi heshiis ahayn ee uu yahay Qoraal Madaxtooyadda lagu soo dhex qoray,Waxa ay sidoo kale Naqdiyeen Sharcinimada heshiisyada Noocan oo kale ah oo ay sheegeen inay Golaha Wakiilada oo keli ahi Xaq u leeyihiin Ansixintiisa,balse aanay la wadaagin Golaha Guurtidu,Waxay sidoo kale ka warameen qaabkii loola dhaqmay ee Golaha looga soo saaray.
Ugu Horayn Xildhibaan Qabile Oo La hadlay Warbaahinta Shalay markii Kal fadhigu soo idlaaday ayaa waxa uu yidhi“Qodobka Dastuurka ee 53,Farqadiisa 3-aad,Heshiisyada Caalamiga ah Cidda Keli ah ee Xil Iyo Waajibaadkeeda lehi waa Golaha Wakiiladda,Qodobka 38-Aad,Farqadiisa 3-Aad Meelna kama soo galo,In labada Gole ay kulmaan,Heshiiskan markii looga baqay Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda inuu Bahalkaasi Sharci darada ah celiyo ayaa Horta Guurtida lagu soo buuxsaday, Fadhigan Labada Gole ee Wada jirka ahi Sidiisaba Xaaraan ayuu ahaa,Mida kale,Wasiirka arimaha Dibadu wuxuu si cad inoogu sheegay Inaanu jirin Heshiis Saldhig Milatari oo Dawladda Imaaraatka Iyo Somaliland,Taasina waxa beenisay Golaha waxaa la horkeenay Heshiis dhamaystiran,Waxa halkaasi ku qoran,Waa Nuxurka Heshiiska,Madaxtooyadda ayaa lagu feegaray,Maaha Heshiir Rasmi ah,Waad Aragtaan Gudihiisa,Saxeex Maleh,Habeen hore ayaa la bilaabay”.
Waxa uu ka hadlay qaabkii uu Madaxweynuhu u soo galay Kal fadhigii Golaha Shalay iyo Khudbadiisii oo uu naqdiyay waxaana uu yidhi “Madaxweynuhu Wuu soo galay,Khudbad aan Ob-lahayn,oo Cay ku jirto,sida Horumar diidka,Maalgashi diidka,Dhego adayga, Madaxweyne Kama caytamo Madal ay joogaan Sharci dejin iyo “Honorable Members of the state”,Markaa Odaygii waa lagu sii kordhay ayaan u malaynayaa, Siduu saaka u hadlayay waa lagu sii kordhay, Kol ay Dawadiiba ka ilaaween, taasi waa mid,Waayo caadi muu ahayn saaka,Khudbadaasi Aflagaadada ku jirta Nuxurkiisu waxa uu iskugu soo ururay,Mudanayaal Waxaan doonayaa Maalgashigana inaad ila hirgalisaan,Saldhig Milatari oo Imaaraatku iga codsadayna aad ila garab qabataan,Codsi loolama yimaado Goleyaal Sharci dejineed eh Documenti ayaa lagu soo sameeyaa”.
Waxa kale oo uu ka hadlay Saleebaan Gaal“Saleebaan Gaal, Aftidii u horaysay markaanu iska hor taagnay,Wuxuu nidaam ahaan xaq u lahaa inuu yidhaa,Warqadaasi ayaa Golaha Timid,uu ka hor akhriyo,Markii aanu nidhi, Warqadan aad qaybiseen Waa Un-Constitutional, Madashuna waa Un-Constitutional,Sida wax loo yidhina Waa Un-Constitutional, ee aan bixin Calaamada Diidmada “Point of Objection”, Xaga Dambe Waxa ka baxaysay Codeeya,Codeeya,Dabadeed Saddex Saacadood in kabadan ayaa la is haystay,Madaxweynaha in Su’aalo la waydiiyo lama ogalayn, Waa la saaray, iyada oo Murankan Sharci taagan yahay, Saleebaan ayaa qabsaday, Saleebaan ka yeeli mayno Waxaan sharcigu jidayn,Saleebaan Muu ogolaane ee wuxuu dalbaday Askar,Ka saara ayuu yidhi,Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige waa Dhaawac oo dhakhtarka ayuu yaalaa, Aniga labadaasi farood ayuu qorigu igaga dhacay, Khasab ayaa golaha nagaga saaray,Masayrkii Umadda Somaliland shaadh uunbaa la isku gashadee,Dawlad Wax la yidhaa Majirto,Axsaabtu ha isku timaado oo aayaha Umaddan ka taliyeen,Hogaanka Maanta jira iyo Iskaashiga Saleebaan iyo Siilaanyo dhex marayna anigu garan maayo Meel uu ina gayn doono”.
Xaamud Cismaan oo isna ka mid ahaa Xildhibaanadii shalay dhibta loo gaystay ee Golaha Xooga looga soo saaray ayaa waxa uu yidhi “Nidaamkii Goluhu lahaa Waa la dhaafay, Dastuurkiina waa la dhaafay, Waxa loo codeeyay waa Afartaasi Xaashiyadood,oo aad arkaysaan, Heshiis labada dhinaca kala saxeexdeen maaha,Waxa kale oo jirta,Waxay samaysay Dawladu,Dhawr iyo Tobankii cisho ee ugu dambeeyay,Xildhibaanadii labada Gole ayay beel beel ula shiraysay,Dhulka Saldhiga loo qorsheeyay waa Dhul lagu qiyaasi karo Illaa 70Km ah oo isku Wareeg ah,waa Badda galaysa, oo saddex wajahadood leh,Berbera oo dhami intaasi maleeka,Markaa magaaladda Waa laga guurayaa weeyi,Manqada Askariya ayay noqonaysaa, Cid gali karta oo aan iyaga ahaynina majirto,oo waatan Warqadan ku qoran,Axsaanadaha ay leeyihiin Nimanka Askarta ahi, Safaaradu malaha,Safaaradaha haddaad is qoonsataan Cilaaqaadka ayaad kala goosanaysaa,Dabadeedna way guurayaan uun,Kuwani ma tagayaan, 25-sanno ee halkaasi ku qoran,Ka isyidhaah kaluumaysoo aan xuduudkaba ogayne waa la tooganayaa”. Sidoo kale Waxa uu sheegay Xildhibaan Xaamud in Shalay golaha Xoog looga soo saaray oo Askar loo adeegsaday islamarkaana laga xidhay Makarafoonada,isagoo intaasi raaciyay in Golihii Guurtidu isbadelay oo uu noqday Gole siyaasi ah oo dano gaar ah oo Ashkhaasi wadato laga fushan karo,Waxaanu sheegay in Gudoomiyaha Goluhu ka horjoogsaday Dalab uu u gudbiyay oo uu sheegay inuu si badheedha u inkiray islamarkaana uu toos u yidhi “ looma baahna arintaasi ee Gacanta uu u taag heshiiska”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...