Somaliland: Jawigii Madasha, Hab-Dhaqankii Foosha Xumaa Ee Saleebaan Gaal, Qaabkii Dhulka Loo Jiiday Xildhibaano Qaarkood 70 Jir Kor U Dhaafeen Iyo Jujuubkii M/Siilaanyo La Hor Tagay Baarlamanka

Date:

Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Oo Faraha Ugu Taagan In Markii Ugu Horraysay Taariikhda Somaliland Dal Shisheeye Saldhig Ciidan Laga Siiyo Somaliland Iyo Walaaca Shacabka + War-Fidiyeennaddii Wargeyska FOORE Oo Shalay Laga Hor Joogsaday Madasha Shirka Iyo Halka Uu Sal Dhigtay Dadaalkii Guul-Wadayaasha Madaxtooyadu

Fadhigii shalay wada jirka ahaa ee uu dalbaday Madaxweyne Siilaanyo si ay xukuumaddiisu hannaan jujuub ah golayaashan u marsiiso qoraal ka koobnaa 15 qodob oo lagu sheegay in uu yahay nuxurka heshiiska xukuumaddu ku kiraynayso Saldhigga Milatari ee Imaaraadka la siinayo waxa golaha mar kali ah ka oogsaday buuq iyo sawaxan ay sameeyeen xildhibaano naftood hurayaal ahi kuwaasi oo ka dhiidhiyey jujuubkii Madaxweyne Siilaanyo shalay adhaxda kaga jabiyey nidaamka dawlad wanaagga iyo shuruucda doodda hufan ee Golayaasha sharci dejinta isaga oo garab ka helaya Guddoomiyaha Guurtida taasi oo keentay in xubno wasiirro ah, kornaylo ciidan iyo xubno kale oo guul wadayaal ahi gacanta saaraan xildhibaanadaasi diidanaa qaabka wax u socdeen kuwaasi oo qaar ka mid ahi ahaayeen xubno da’ ah oo dhibaato weyni ka soo gaadhay qaablii loola dhaqmay.
Inkasta oo Hawl-wadeennada Wargeyska Foore shalay laga hor joogsaday in ay gudaha u galaan xarunta Baarlamanka ee falkani ka dhacayay wakhti xubno warbaahinta kale ka mid ahaa toos loo sii daayay ayay haddana Bahda FOORE u suurto gashay in ay xogo dheeraad ah ka helaan qaabkii anshaxa dawladnimo ka baxsanaa ee xukuumaddu Golaha Baarlamanka kula dhaqantay.

Waxa xusid mudan in markii Madaxweyne Siilaanyo kelmadiisii ka jeediyey Golaha uu Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan xubnaha ku war geliyey in Madaxweynuhu iska tago wixii ay su’aalo hayaana ay waydiiyaan wasiirrada uu ka mid ahaa wasiirka Duulistu taasi oo keentay in ay qorshahaasi diyaarsanaa ka dhiidhiyaan xildhibaano faro ku tiris ahaa oo aanay tiradoodu tobaneeye gaadhayn kuwaasi oo Guddoomiyaha Guurtida ka codsaday in waxan Golaha la keenay aanu heshiis ahayn ee Golaha heshiis la keeno iyo in ay ka doodaan soona daalacdaan dibna loo dhigo codayntiisa taasi oo Saleebaan Gaal gaashaanka ku dhuftay. Ugu horrayn Xildhibaan Xaamud oo ah oday duq ah oo ka mid ah xildhibaanada aadka uga soo horjeeday qorshahan ayaa isaga ooaad u qaylinaya waxa uu ku tiraabay: “Waa in la soo akhristaa, wixii aad ku hadasheen waanu maqalnay waa laga dhagaystay, waa in ay baxaan, waa in lasoo akhristaa, Noooo, Nooo., Noooo”. Sidoo kale Xildhibaan Cali Xaaji oo isna si weyn u neef tuuraya ayaa ku dhawaaqayay: “Heshiiskii keena, kani waa nuxur heshiiskii ma aha. Waar heshiis na tus oo keen. Heshiis baa loo baahan yahay ee heshiis keen. Ma jirto yeeli mayno. Ma jirto. Ma jirto. Noo, Noo”.
Xildhibaan Maxamed Jaamac, Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, Xildhibaan Baar Siciid, iyo Xildhibaan Maxamuud Axmed Dable ayaa dhammaantood si isku mid ah waxa ay uga hor yimaaddeen qaabkii foosha xumaa ee xaaladdu u socotay iyaga oo ku doodayay in ay sharci darro tahay waxan golaha la hor keenay. Halkii markii xaal marayo Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland oo shirka maamulayay waxa uu amar ku bixiyey in dhammaanba xubnahan xildhibaanada ah ee doodda adag ka hor keenay dibadda loo saaro oo mid mid loo saaro. Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa: “Waar Golaha ka fadhiista. Baxa waar saara. Qaar hadalka joojiya oo golaha ka baxa”. Intaa kadib Xildhibaan Maxamuud Axmed Dable ayaa Guddoomiye Saleebaan ka codsaday in sidan uu u dhaqmayaa tahay wax aan la aqbali Karin shaciyadna u leeyihiin in laga doodo oo ay ka fiirsadaan masiirka umadda balse Guddoomiye Saleebaan kama dhagaysan doodda xildhibaanka waxaanu amar ku bixiyay in isna la saaro oo dibadda la dhigo.
Mar kali ah ayuu Goluhu isla oogsaday waxaana dhacday in saraakiil ciidamada ka tirsani ay mid mid xildhibaanadii isugu dareen garaacid iyo jugayn culys oo ay dibadda ku dhigeen halka intooda badan dhulka ay ku dhaceen oo si arxan darn loola dhaqmay. Waxa xusid mudan xubno ay ka mid yihiin Wasiirrada Warfaafinta, Xidhiidhka Golayaasha iyo kuwo kale oo uu ka mid ahaa afhayeenka Madaxtooyadu ay madasha ka qaylinayeen iyaga oo ka shaqaynayay sidii xildhibaanada dibadda loo dhigi lahaa waxa xusid mudan in Afhayeenka Madaxweynuha la arkayay isaga oo isku dayaya in uu kamaradaha ka leexiyo ama war-fidiyeenada u diido in ay sawiro ka qaadaan qaabkii foosha xumaa ee xildhibaanada loola dhaqmay.
Ugu dambayn xubinta ugu weyn ee shalay sida milgaha dawladnimo ka baxsan madasha ugu dhaqmay waxa uu ahaa Guddoomiye Saleebaan oo aad moodaysay Macallin arday akhlaaq xun fasalka ka saaraya qaabkii uu u qaylinayay. Isku soo wada duuboo wixii shalay Golaha Baarlamanka ka dhacay ayaa ahaa arrin dhib weyn ku ah qaranka oo ay naanays xumo weyn ku noqonayso Madaxweyne Siilaanyo iyo Saleebaan gaal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...