Somaliland: Abwaan Weedhsame Oo Maanso Qiimo Badan Ku Cabiray Go’aankii Xildhibaannada Labada Golle Ku Ansixiyeen Saldhigga Millatari Ee Berbera.

Date:

Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil “Weedhsame” ayaa maanso ku cabiray qaabkii ay shalay xildhibaannada labada golle baarlamaan ugu coddeeyeen saldhigga millatari ee ay xukuumadda Somaliland Imaaraadka Carabta ka siinayso Magaalada Berbera.

Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame) oo sharaxaya sida ugu xun yahay wixii shalay ka dhacday gollaha ayaa maanso ku yidhi sida tan:

Caku mudanahaygii

Mooryaantu dhaantoow

Dhiig miirtihiiyoow

Kii loo mashxaradee

Isna nagu maqnaayee

Quus nagu macsuumoow.

Maxastiyo Adduunkii

Macaluul ku nooshiyo

Wadhatada miskiinta ah

Laga faro maroojiyey,

Sawtaad malaayiin

Moohaar ku gurateen,

Iimaan macbuud baa

Uur madhane buuxshee

Xaaraanta maandhoow

Ma mahadin hortaa jire.

Milladii islaamkiyo

Dhaartaad marteeniyo

Xaqa muuminiintiyo

Ducadii madluunkee

Toos loo maqlaayiyo

Mawdkiyo xabaashiyo

Munkar iyo nakiiriyo

Qabrigii madoobaa

Ee maro cad mooyee

Maal lala tegayniyo,

Muduciga qiyaamaha

Maxkamada ilaahay

Kugu maadsanaayiyo

Xaaraanta maandhoow

Cishadaa macaanayd

Muruqaad ku xoogtiyo

Midigtaad ku taabtiyo

Dhuuntii ad marisaa

Kugu marag furaysiyo

Mustafaha warkiisii

Moogaha illaawoow

Magac dhawristiiyo

Dhaqankii masuulnimo

Xil kaskiyo marwaadkii

Maydhaamihiiyoow,

Xasan Daahir Ismaaciil “Weedhsame”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...