Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka mid ah mudanaaysha golaha wakiilada Somaliland ee laga soo doortey gobalka Saaxil ayaa waxaa uu ka hadley saldhiga Imaaradka Carabta , Doorashada Somaliya iyo cida maanta ay gacanta u gashey taladii Somaliland .
Muddane Siciid Cilmi Rooble waxaa uu sheegay in taladii dalku ay gacanta u gashey dad aanay shacabka Somaliland dooran oo uu ku tilmaamay in ay yahiin Wasiir Maxamuud Xaashi iyo wiilka uu sodga u yahay madaxweyne Siilanyo AMB Baashe Cumar
Xildhibaan Siciid ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in Wasiir Maxamuud Xaashi aanu ka mid aheyn dadkii dalka u soo halgamey isla markaana uu is dhiibay xiligii dagaalka , sidoo kala waxaa uu bulshada Somaliland ugu baaqay in ay mudaharaad salmi ah la hor yimaadaan golaha wakiilada maalinta Axada ah oo uu madaxweynuhu golahaas kala hadli doono saldhig Imaaradka la siinayo
Dhinca kale xildhibaanka ayaa waxaa uu hanbalyeeyey doorashadii xalay ka dhacadey dalka Somaliya isla markaana uu tilmaamay in dhinca isbedelka xildhibaanada dalkaasi u dhaqaaqeen