Waxaa hada si toos ah magaalada Moqdisho uga bilowdey wareegii labaad ee doorashada dalka Somaliya waxaana wareegan labaad intii aanu bilaabmin si rasmi ah u shaaciyey in uu tanaasuley mid ka mid ah 4 musharax ee ugu codadka badnaa isla markaan wareegan isku soo gaadhey
Musharaxan ayaa waxaa uu yahay Ra,iisul wasaare Cabdirasiid Cali Sharmaake oo ka mid ahaa afartii musharax ee ugu sareeyey wareegii koowaad ee dhamaadey
Waxaana wareegan Labaad ee hada bilowdey isku soo hadhey oo ku tartami doona saddex musharax oo kala ah Xassan Sheekh Maxamuud , Maxamed Cabdilaahi Farmaajo Iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed