Manchester United ayaa ku dhawaaqday iney sanadkii lixaad oo xiriir ah ay hoos u dhigeen qiimaha tikidhada ka hor bilowga xili ciyaareedka cusub ee 2017/18, sidoo kale waxay hoos u dhigi doonaan lacagaha ay caruurta ku iibsadaan tikidka sanadlaha ah.
Tani waa qiimo dhimistii todobaad ee sideedii sano ee lasoo dhaafay waxayna qiimaha tikidhada dadka waa weyn ka bilaaban doonaan lacag dhan £532 pound iyadoo tikidka sanadlaha ah ay kala yeelan doonaan qeybo kala duwan.
Sidoo kale taageerayaasha Manchester United ayaa faa’idi doona in lacagtooda ay dib u ceshan karaan hadii ay doonayaan ineysan xaadirin kulamada kooxda, sidaasi si lamid ah waxay jareen boqolkiba 25 qiimaha tikidhada tartanka EFL Cup ee gurigooda iyo waliba tartanka ay haatan ku jiraan ee Europa League oo isna qiimihiisa la dhimi doono boqolkiiba 25.
Madaxa maamulka ganacsi ee kooxdaasi Richard Arnold ayaa yiri: “Waxaan aqoonsanahay ka go’naanshiyaha taageerayaasheena aanan caadiga aheyn ee dhan isboorti iyo dhan ganacsi ba, waxay si buuxdo u soo xaadiraan Old Trafford si ay koox waliba oo halkaan soo booqata uga dhigaan mid aanan ku raaxeysan kubada”.