“Heshiisyada Caalamiga Ah Labada Gole Baarlamaan Ee Somaliland Xaq Uma Wada Laha In Ay Ansixiyaan Ee Waxaa Xaq U Leh…” Siyaasi Xussen Axmed Ceydiid
Siyaasi Xussen Axmed Ceydiid oo ka mid ah saraakiisha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa waxaa uu mid mid u taxay dhibaatooyinka ay Somaliland ka dhaxali karto hadii dawlada imaaradka loo ogolaado in saldhig Military laga siiyo magaalada Berbera .
Muddane Xusse Axmed Ceydiid waxaa uu sheegay in laba gole aanay xaq u laheyn in ay saldhigaasi ansixiyaan Balse golaha wakiilada oo kaliyaata uu xaqu leeyahay in uu isagu ka go,aan gaadho
Sidoo kale waxaa uu xukuumada Somaliland ugu baaqey in ay si cad u soo bandhigto waxyaabaha ay ku bedelatey saldhigaasi iyo heshiiska dhabta ah ee dawlada imaaradka la saxeexatay