Qaramada Midoobey ayaa si wayn uga dayrisey xaaladda abaareed ee ka jirta Somaliland iyo Somaliya oo ay sheegene inay gurmad deg deg ah u baahan yihiin,
Xafiiiskka OCHA ee qaramada Midoobey ayaa sheegay in tiro koob ahaan lagu sheegay dadka abaartu hayso oo ay isku dareen Somaliland iyo Somaliya 6.4 Milyan oo qof kuwaas oo macaluul iyo haraad inay u geeriyooday halis ugu jira.
“Waxa jira astaamo muujinaya in xaalada bani’aadamnimo ay kasii dartay,waa jira calaamadi walaac abuuraya oo tilmaamaya in macaluuli dilaaci karto gudaha Somaliland iyo Somaliya sanadkan”ayaa uu yidhi afhayeenka qaramada Midoobey Stephen Dujarric .
Gabagabadiina Xaalada abaareed ee Somaliland ka jirta ayaa iyadu maraysa meel adag isla markaana ay dadkii halis ugu jiraan inay gaajo iyo haraad ugu geeriyooday,waxaana ay u baahan yihii gurmad iyo taakulo deg deg ah .