Khabiirada Sky Sports Thompson, Merson, Nicholas Iyo Le Tissier Oo Saadaal Ka Bixiyay Kulanka London Derby Ee Chelsea vs Arsenal

Date:

Sky Sports ayaa fursad siisay khabiiradeeda Phil Thompson, Paul Merson, Charlie Nicholas Iyo Matt Le Tissier kuwaas oo ka qeyb galay barnaamijka Soccer Saturday wuxuuna mid walba ka hadlay waxa ay la tahay inuu ku dhamaan karo kulanka galabta ka dhici doona garoonka Stamford Bridge.

Khabiirada sidoo kale waxaa la weydiiyay cidda dhalin karta goolka furitaanka kulanka, 80% Khabiiradda waxey isku raaceen in Chelsea adkaan karto sidoo kalana waxey goolasha koowaad u saadaaliyeen xidig Chelsea ah taasoo ka dhigan in Blues ay horay ugu sii durgi karto horyaalka.

Charlie Nicholas: Waan ogahay inaan Chelsea ku xaaqnay 3-0 kulankii Emirates, balse dareenkeyga wuxuu i siinayaa in Chelsea ay shaqo naga qaban doonto, isla markaana Stamford Bridge uu ahaan doono kii aan ku dhibtoon jirnay.

SAADAASHIISA: Chelsea 2-0 Arsenal

Yaa Dhalin Doona Goolka Koowaad: Waa Costa midka ugu weyn ee Arsenal ka hortagaya, isaga ayaana dhalin doona goolka koowaad.

Matt Le Tissier: Arsenal mar walba fursad ayey heysataa, lkn markaan u laabano guuldaradii Emirates ee Watford, waxaad ogaaneysaa in Chelsea ay tahay kooxda ugu cad-cad kulanka.

Tartanka horyaalka ma dhamaan, ninka ugu muhiimsan ee ciyaartana waa Eden Hazard.

SAADAASHIISA: Chelsea 1 – 0 Arsenal

Yaa Dhalin Doona Goolka Koowaad: Waa Eden Hazard kan ugu muhiimsan ee kulanka isagaana dhalin doona goolka koowaad.

Phil Thompson: Dadka waxey ku fakarayaan in Arsenal u ciyaari doonto sidii kulankii Watford isla markaana ay ciqaabi doonaan dhigooda, balse kubadda cagta sidaa maahan.

Waxey lumiyeen dhibco talaadadii sababtoo ah waxey ahaayeen kuwo is mahdiyay, wey ka wanaagsanaan doontan intaas sabtida. Ozil sare u kac ayuu sameyn doonaa, Sanchez isna wuxuu cadeyn doonaa wuxuu yahay.

SAADAASHA: Chelsea 2 – 2 Arsenal

Yaa Dhalin Doona Goolka Koowaad: Waa Eden Hazard kan ugu muhiimsan ee kulanka isagaana dhalin doona goolka koowaad.

Paul Merson: Arsenal waxey ahaayeen kuwa amakaagay kulankii Watford, balse kama shalaayi doonaan marka ay yimaadaan Stamford Bridge.

Hazard hadii uusan si fiican u ciyaarin xitaa Chelsea waa kuwa ugu cad-cad iney guuleystaan, balse Arsenal waxey u baahan tahay mucjisada Alexis Sanchez si ay fursadooda u qaatan.

SAADAASHA: Chelsea 3 – 1 Arsenal

Yaa Dhalin Doona Goolka Koowaad: Waa Eden Hazard kan ugu muhiimsan ee kulanka isagaana dhalin doona goolka koowaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...