Kulanka Ugu Weyn Premier League-ga todobaadka 24-aad ayaa dhici doona waana kulanka London Derby. Kulankaan wuxuu faa’iido u yahay dhamaan kooxaha Liverpool, Spurs, City Iyo United. kuwaas oo mid walba uu isha ku hayo afarta ugu sareysa.
XOGTA KULANKA:
Guushii Arsenal (3-0) ee ay gaartay September 2016, waxey aheyd guuldaradii ugu cusleed oo ay Chelsea gaarsiiso tan iyo April 1997.
Arsenal Wali Minan Iyo marti Uma garaacin Chelsea tan iyo Xili Ciyaareedkii 2003/2004 markaas oo ay EPL-ka Ku Guuleysteen.
Macalinkii ugu horeeyay ee Chelsea ah kaas oo aan labadiisa kulan ee ugu horeeya horyaalka guul ka helin Arsenal waa Jose Mourinho 2004/2005. (Labadaba (2-2) iyo (0-0).
Guushii Ay Arsenal ka gaartay Chelsea bishii September waxey guuldaradii ugu cusleed ee soo gaartay Antonio Conte waayahiisa tababaranimo tan iyo 2010 markaas oo kooxdisii xiligaas ee Sienna ay 3-0 guuldaro ah kala kultantay Empoli.
MAXAA LAGA FILAYAA BRIDGE?
Waxa Ugu Weyn ee Bridge laga filayo in Jamaahiirta Chelsea ay dib u gocdaan waayahii quruxda badnaa ee Super Frank Lampard kaas oo Khamisitii ku dhawaqay inuu isaga fariistay kuabdda cagta.
ARSENE WENGER?
Macalinka reer France wuxuu kulankaan u yahay kii sadexaad oo uu ganax ku seegi doono tan iyo markii afar kulan ganaax ah garka loo galiyay wuxuuna fariisan doonaa qeybta bari ee Stamford Bridge.
HALKAAN CODKAAGA KA DHIIBO COMMENTIGA