Maamulihii Shirkadda Dahabshiil Ee Magaalada Berbera Salebaan Cabdilaahi Cadib ayaa goor dhaweyd ciidamada booliisku ay xabsiga u taxabeen.
Amarka lagu Xidhay Maamulihii Shirkadda Dahabshiil Ee Magaalada Berbera Salebaan Cabdilaahi Cadib ay la sheegay inay bixiyeen xubno wasiiro iyo wasiiro ku-xigeena ah oo Magaalada Berbera u Joogey Ka soo talo bixinta Sicir-bararka iyo Maceeshada qaaliyowday.
Wararka iyo xogaha ay helayso Shabakadda Caalamiga ah ee Somalilandtoday ayaa sheegaya inay wasiiraddu ku amreen maamulaha laanta Dahabshiil ee Magaalada Berbera in uu lacagta kaashka Somaliland ah ee taala Khasnada Dahabshiil Berbera uu Ku Wareejiyo Baanka Si Shuruud la’aan ah, kadibna uu amarkaasi qaadan waayey isag oo ku sababeeyey iney Lacag badan oo ay leedahay shirkadda Dahabshiil ay ku xaniban tahay khasnada Baanka Somaliland, lacagta kaashka ah ee ku jirta khasnadooduna ay tahay mid ay leeyihiin macaamiishoodii Baanka Dahabshiil.
Dhinaca kale xubnahani wasiiradda ah ee amrey xadhiga maamulaha Dahabshiil ee Magaalada Berbera oo aanu isku dayney in aanu wax ka weydiino xadhiga masuulkan ayaa aanay noo Suuro-galin ilaa haddana wax war ah kamey soo saarin Xukuumadda iyo Shirkadda Dahabshiil xadhiga masuulkan iyo sababta ka dambeysa xadhigiisa.