Fanaaniin caan ka ah Somaliland isla markaana ka tisan kooxda xidigaha Geeska ayaa waxaa ay iska dhibeen caasimada dalka Somaliya ee Moqdisho waxaana ay ka degeen dhawaan
Fanaaniintan ayaa waxaa ayaa si qarsoodiya uga baxay magaalada hargeisa iyaga oo ku sii jeeda caasimada wadanka somalia ee muqdisho, sida ay noo xaqiijiyeen qaar kamida shaqaalaha madaarka hargeisa waxa ay fanaaniinta Transit airport ku ahaayeen magaalada dubia kadibna waxa ay halkaasi ka tageen magalada muqdisho .
Waxaana la filayaa in fanaaniinta oo kala ah Yurub Geenyo iyo Yuusuf Hanad ay bandhig faneed ka sameeyaan muqdisho 14 fep 2017 oo loo dabaal dego maalinta jacayl-ka aduunka.
Ilaa hada ma cada qorshaha rasmiga ah ee ay faanintani ku tageen muqdisho balse warar ka soo baxaya magaalada muqdisho waxa ay xaqiijinayaan in faaniintani qorshaha ay ku tageen somalia uu dhameeyey fanaanka Nimcaan hilaac oo hore ay isku koox u ahaayeen faniintani.
Sidoo Kalena Waraku Waxa Ay Intaasi Ku Darayaan In Fanaaniinta Kamid Noqon Doonaan Koox Uu Abaabulayo Fanaanka NIMCAAN HILAAC Oo Uu Rabo Inay La Tartamaan Faniinta XIDIGAHA GEESKA
Waxaa xusid mudan in ay hore ayey u dhacday inay xukuumada somaliland xabsiga u taxaabto faniin hore Moqdisho u tagay oo ka tirsanaa kooxda xidigaha geeska
Balse waxa aan la saadaalin karin hanaanka qorshe ee xukuumaa uga yaala faniinta hadiiba ay ku soo noqdaan Hargeys