kulan xalay ka dhacay qasriga madaxtooyada Somaliland kaasi oo ay isku soo hor fadhiisteen xukuumadda iyo shirkaddaha bixiya adeegyada Zaad iyo E-dahab ayaa markale layskula qaadaa dhigay go’aamadii xukuumadda kasoo baxay ee lagu xakamaynayay sicir-bararka ka taagan dalka iyo sidoo kale hoos udhaca ku yimid lacagta Shillinka Somaliland, kaasi oo si gaar ah u saamaynayay labada adeeg ee Zaad iyo E-dahab ee shirkaddaha Telesom iyo Somtel.
Kulankan ayaa waxa laga soo saaray laba qodob oo dhinacyadu isla qaateen, kaasi oo uu wasiirka madaxtooyada Somaliland Mr. Maxamuud Xaashi markii uu shirkaasi soo dhamaaday u faahfaahiyay saxaafadda.
Saacado kadib waxaanu isla qaadanay labadan qodob oo kasoo baxay shirkayagii.
- In go’aamadii xukuumadda la meel mariyo oo la fuliyo, shirkadda Telesom-na ay ogolaatay in go’aankaas la fuliyo
- Waxaanu garwaaqsanay in shirkadda Telesom adeegga Zaad uu cabashadoodii ahayd, in wakhtigii sideed iyo afartanka (48) saacadood aanu u qabanay farsamo ahaan uu ku yar yahay inay nidaamkaas beddelaan. Sidaa daraadeed waxaanu isla qaadanay in aanu qabo guddi farsamo oo nagala talisa annaga xukuumad ahaan wakhtiga ugu haboon ee lagu jaangoyn karo in adeegaas laga saaro system-ka wixii boqolka ka yar.
Wasiirka wasaaradda Madaxtooyada Maxamuud Xaashi waxa uu sheegay inay shirkadda Telesom aqbashay go’aamada ay isla qaateen, isla markaana ay ka xukuumad ahaan ay shirkadda Telesom isaga iman doonaan markale sidii loo hirgelin lahaa qodobadaasi, isagoona wasiirku xusay inay diyaarsan doonaan xukuumad ahaan khuburo kala shaqaysa hawlaha iyo qodobada uu ugu horeeyo sidii meesha looga saari lahaa lacagta doolarka ee ka yar boqolka doolar ee moobilada layskugu diro, taasi beddelkeedana looga dhigi laa shillinka Somaliland