Weftigi Uu Hogaaminayay Madaxweyne Axmed Silaanyo Oo Gaadhay Degmada Ballidhiig Kulana La Qaatay Qaybaha Kala Duwan Ee Bulshada Degaanadaasi+Sawiro.
Weftiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo ee qiimaynta iyo gurmadka xaaladda abaarta ka jirta gobollada bariga Somaliland, ayaa saaka socdaal ku tagay degaannada Shansha-cadde, Taala-buur, Balli-calanle iyo Balli-dhiig oo ka tirsan Gobolka Togdheer, kuwaas oo dhammaantood si ballaadhan loogu qaabilay.