Iyadoo kaliya 16 ay ka harsan tahay kulanka adag ee El Clasico ee dhexmari doona kooxaha Barcelona iyo Real Madrid, waxaa soo baxaya dhaleeceyn weyn oo ku aadan in xiriirka kubada cagta Spain ay u magacaabeen dhexdhexaadinta kulankaan garsoore Clos Gomez.
Wargeysyada Madrid kasoo baxa ayaa si kulul uga doodaya arintaan laakin waxay xaalada sii xumaatay markii ay garsoorahaan amaan ugu qubeeyeen wargeysada kasoo baxa magaalada Barcelona ee Sport, Mundo Deportivo iyo TV3.
Wargeyska kasoo baxa Madrid ee OK Diario ayaa qoray saakay “Garsooraha ugu naceybka badan Madris ( anti-Madridista ) ayaa qaban doona kulanka. Barcelona xili horeba waxay dhalisay goolkeeda koowaad, waxa ka badan gool, waliba waa mid cajiib ah, mana aysan dhalin MSN”
ABC ayaa iyana qoray “Waa garsoore aan jecleyn Real Madrid waa arin naxdin leh in qof aan dhexdhexaad aheyn loo magacaabo kulanka December 3”.
Sport oo kasoo baxo Barcelona ayaa isna qoray “Waan ognahay sababta aysan Madrid u jecelyn Clos Gomez, Barcelona waligeed ma aysan guuldareysan kulan uu isaga dhexdhexaadinayo”.
Mundo Deportivo ayaa iyana qortay “Dookh Weyn Clos, ree Madrid calaacalka joojiya”
Hadaba waa sidee rikoorka garoorahaan ee labada koox ?
Barcelona waligeed lagama adkaan iyadoo uu ninkaan garsoore u yahay kulanka, 17 guul ayeey gaareen, sadex barbaro ayeeyna galeen, wuxuu ku abaalmariyay lix gool ku laad wuxuuna iyaga ka dhigay labo, waligiis casaan ma uusan siin ciyaariyahan Barcelona ah.
Dhanka Madrid wuxuu maamulay 27 kulan, Los Blancos ayaa guuldareystay afar jeer, waxay barbaro gashay 5 jeer.
Waa garsooraha kaliya ee abid casaan siiyay Luka Modric kaasoo aan kaar casaan ah oo kale loo taagin mudo 517 kulan oo ciyaar xirfadlenimo uu ciyaaray kubad sameeyaha Croatian, sidoo kale wuxuu casaan u taagay Kaka, kaasoo ay jariirada Sport ee kasoo baxda Catalan ka ku tilmaamay “Wiil asluubsan ku ciyaara kubada”
Xusuusaha ugu waa weyn ee laga qoray garsoorahan waxaa kamid ah isku dhacii caanka ahaa ee Close Gomez iyo Mourinho iyadoo macalinka Portugal uu tiriyay 13 qalad uu hal kulan ku sameeyay garsoore Close.
Wuxuu dhexdhexaadiyay sadex kulan oo Clasicos ah, labo waxaa adkaaday Barcelona halna wuxuu ku dhamaaday barbaro, labada ay adkaatay Barca waa 3-2 Spanish Super Cup ee Camp Nou, iyo 3-4 ee ka dhacday Bernabeu halka barbarona waa 1-1 Copa del Rey.
Dhanka kale. Clos Gomez ayaa ah garsooraha kaliya ee ay abid ka cabatay Barcelona, waxaana markaas ka xumaaday Pep Guardiola oo ku eedeeyay inuu been sheegay.