FIFA ayaa furtay dacwad ka dhan ah xulalka England iyo Scotland ka dib markii ay xirteen astaan ay ku xusayeen ciidamadii Britain kaga dhintay dagaalada intii uu socday kulankii Jimcihii hore ee isreebreebka Koobka Adduunka.
Labada wadan ayaa iska dhegotiray digniintii FIFA iyagoo garbaha ku xirtay maryo madow oo ay dhexda kaga sawiran tahay ubaxa guduudan ee ay ku xusaan askartii kaga dhintay dagaalada, iyadoo FIFA ay u aragtay inay xadgudub ku tahay kubada cagta in astaan siyaasadeed lagu soo bandhigo.
Madaxa xiriirka kubada cagta Ingariiska Martin Glenn ayaa uga digay FIFa inay ka dagaalami doonaan ciqaab kasta oo lagu soo rogo isagoo sheegay in kiiskooda sharciga uu u adag yahay sida dhagaxii.
Laakiin maanta oo Khamiis ah FIFA ayaa ku dhawaaqday: “Waxaan xaqiijin karnaa inaan baaritaan dhanka dishibiliinka ah ka furnay arintaan.
“Fadla inala fahma inaanan wax intaan ka badan ka oran karin arintaan, islamarkaana aanan ka sii hadli karin maxsuulka iyo weliba waqtiga ay qaadaneyso dacwadaan.”