“Xirsi wuxuu doonayaa uun meel uu isagu iska maamusho”
“Ummadda reer Somaliland-na waxay qabtaa in ninkaas (Seed) caddaalad darro lagu sameeyay”
Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland,Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani), ayaa sheegay in loo baahan yahay in xisbiga WADDANI caddeeyo taariikhda rasmig ah ee Guddoomiyaha Ku-meel gaadhka ah Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, uu noqonayo guddoomiyaha rasmiga ah ee xisbigaasi.
Wasiir Caddaani waxa uu tilmaamay in bulshadda gobolka Hawd iyo shacbiga Somaliland-ba ay doonayaan in Cabdiraxmaan Cirro iyo Cabdiqaadir Jirde ay ummadda u soo bandhigaan nuxurka heshiiska ay galeen.
“Xisbiga WADDANI nin baa ku suntanaan jiray oo annaga (Xukuumadda) mar walba noo jawaabi jiray, waa ninkii Guddoomiye ku-xigeenka ahaa (Axmed Muumin Seed) sida loo galayna waxay ahayd si lala yaabo. Foodkii xisbiga WADDANI qaadayay shirkiisii golaha dhexe, markii Cirro la doortay waxay ahayd in lagu xigsiiyo Guddoomiye ku-xigeenka koowaad oo isaguna murrashax ahaa. Waxa laga doortay ninkii kale oo run ahaantii xisbigaba ku cusub. Ummadda reer Somaliland-na waxay qabtaa in ninkaas (Seed) caddaalad darro lagu sameeyay,”ayuu ku dooday Wasiirka Warfaafintu, isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi “Waxaannu leenahay Axmed Muumin Seed iyo inta la socotaba waxa jira xisbi aan lagu kala tagin (KULMIYE) ee ka soo qayb-gal.”
Wasiirka oo la weydiiyay xubno ka tirsanaa WADDANI oo ay isku ardaa ka soo jeedaan Hoggaamiyaha WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka tagay xisbigaas intii aan shirkii Golaha dhexeba la qaban, waxaanu sheegay in Xirsi Madaxweyne Siilaanyo xil weyn ku aaminay, hase yeeshee uu ka abaal ka dhacay. Waxaanu is weydiiyay waxa uu WADDANI-na beri ka maalin ku samayn doono, isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi, “ Xirsi (Hoggaamiyaha WADDANI) taariikhdiisa waa la garanayaa, annagu saaxiib baanu ahayn oo Golaha Wasiirrada ayaanu ku wada jirnay. Waxaan qabaa inuu yahay nin xilkii weynaa ee madaxweynaha Somaliland u dhiibay lixda sannadood ka abaal ka daray. Xirsi waxa uu doonayaa uun meel uu kaligii maamusho. Wuxuu u haystaa baan is idhi inaanay dadku caqli badan lahayn ee uu isaga uun caqligu ku jiro.”
“Waa nin firfircoon oo runtii hawl-kar ah oo taas shaki kuma jiro. Laakiin siyaasaddu waxay leedahay meeqaam iyo aaminaad, waxay ila tahay ninka arkaya wixii uu ku sameeyay Axmed Maxamed Siilaanyo Madaxweynahaas ruug cadaaga ah, wixii ay sameeyeen isaga (Xirsi) iyo intii la socotay waxay ahayd inqilaab dhicisoobay. Haddii aanu madaxweynuhu buuxin boosaskoodii oo aanu ninkaas ruug cadaaga ahi helin iyagu waxay ugu talo-galeen in dawladnimadu dhacdo.”
Wasiirka warfaafintu waxa uu arrintaas kaga hadlay waraysi dheer oo siiyay barnaamijka dhab ka hadal ee ka baxa Telefishanka qaranka SLNTV oo uu soo saare ka yahay Xasan Ismaaciil Maxamed (Xasan Shaah) . Waxa kale oo uu Wasiirku waraysigaas kaga hadlay arrimo badan oo la xidhiidha siyaasadda iyo wasaaradiisaba. Wasiirku waxa uu si qoto-dheer uga hadlay ahmiyadda ay dalka u leedahay nabadeynta gobollada bariga iyo wada hadallada u socda Somaliland iyo Khaatumo.